Qaar ka mid ah maahmaahyada saddex leyda W/Q: Cali Cabdi Coomay Qaybtii 1-aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar ka mid ah maahmaahyada saddex leyda W/Q: Cali Cabdi Coomay Qaybtii 1-aad
October 12, 2013 - Written by Wariye:

maah maah1.       Saddex baa rag u wanaagsan

?       Nin tolkii u nacasa

?

Shisheeyana u nacaba

?       Reerkiisana u naaga

2.       Saddex saddex kama dheregto

?       Ili daymo kama dheregto

?       Dhulna biyo kama dhergo

?       Dhegina war kama dheregto

3.       Saddex saddex lama heshiiso

?       Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan

?       Nin quud jecel iyo aan quudhin

?       Nin qab weyn iyo nin aan u qabin

4.       Saddex dumar laguma qabo

?       Gasiin xumo

?       Gogol xumo

?       Galmo xumo

5.       Saddex saddex bay ka tagtaa

?       Roobku rays buu ka tagaa

?       Raggu rayi buu ka tagaa

?       Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa

6.       Saddex weligaa lama raaco

?       Rag kaa faqay

?       Rafiiqnimaad tihiin oo ku qadshay

?       Rag talo kaa reebay

7.       Saddex naagtaada kugu nacda

?       Hambo la?aan

?       Hammo la?aan

?       Hammi la?aan

8.       Saddex buu raggu is-dheer yahay

?       Garashada waxa soo socda

?       Wax ka qabashada waxa jooga

?       Ka samrida wax tegay

9.       Saddex raggu wuu ku cimri deg degaa

?       Gogol xumo

?       Gasiin xumo

?       Carrab kulul

10.    Saddex dadkaa kugu naca

?       Xishood la?aan

?       Xilo la?aan

?       Xoolo la?aan

11.    Saddex tolkaabaa kugu naca

?       Hiil la?aan

?       Hoo la?aan

?       Hoy la?aan

12.    Saddex saddex b aa lagu kabaa

?       Aqalka oo kaa yar ardaa baa lagu kabaa

?       Aqoontanda oo yar aamus baa lagu kabaa

?       Aduunkaaga oo yar iimaan baa lagu kabaa

13.    Saddex saddex baa lagu cadeeyaa

?       Hadal run baa lagu cadeeyaa

?       Ilko caday baa lagu cadeeyaa

?       Mindi saawin baa lagu cadeeyaa

14.    Saddex waa loo gudaa

?       Gabadh waa loo gudaa

?       Geedi waa loo gudaa

?       Ciyaar waa loo gudaa

15.    Saddex saddex looma tilmaamo

?       Culimo cad looma tilmaamo

?       Carmal guur looma tilmaamo

?       Carrab lo?aad caws looma tilmaamo

16.    Saddex waa la raacaa

?       Nin kaa caqli badan

?       Nin kaa cilmi badan

?       Nin kaa cuud badan

17.    Saddex saddex lagama daayo

?       Rag shir lagama daayo

?       Dumar sheeko lagama daayo

?       Xoolana hees lagama daayo

18.    Saddex waad ku degtaa

?       Guri barwaaqo

?       Gaari naageed

?       Gar cadaaladeed

19.    Taajirimada waa saddex

?       Cuud ku taajir

?       Caqli ku taajir

?       Cilmi ku taajir

20.    Saddex ma nabadgasho

?       Nin madax la saaxiibay

?       Nin sun la waraabshay

?       Nin sirtiisa haween u sheegay

21.    Dumarku waa saddex

?       Naag gogol wacan

?       Naag gasiin wacan

?       Naag galmo wacan

22.    Saddex lama badsado

?       Fadhi xidid

?       Soor fagaar

?       Ficil sokeeye

23.    Saddex baa hourumar lagu gaadhaa

?       Hadal yar

?       Hawl badan

?       Hogaan wanaagsan

24.    Saddex baa dib u gocosho leh

?       Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay

?       Gallad aad baran weyday

?       Garaad garasho waayey

25.     Saddex baa suldaanka laga eegaa

.       Garta

.      Guntiga

.      Gacanta

Hargeysa  Office

Wajaalae News

Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS