Oodu sida ay ukala sarayso ayaa loo kala guraa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oodu sida ay ukala sarayso ayaa loo kala guraa
October 20, 2013 - Written by Wariye:

Aduunyada inta aad nooshahay  waxa kaaga kordhaya  waayo aragnimo oo waagii kuu baryaba wax cusub ayaa arkaysaa wax waad ku faraxdaa waxna waad ka murugootaa.

Somaliland waxay xoriyadeeda dib ula soo noqotay 1990 waxayn xor tahay in ka badan labatan sano.

Intii mudadaa lagu gudo jiray Somaliland waxay gaadhay horumar kala duwan waxaana xukunka qabtay dowlado kala duwan qabtay waxqabad kala duwan hadaba waxaan jecelahay in aan

wada cusub

 

 

 

 

wax ka idhaahdo waxqabadka dowlada maanta,

Dowlada maanta jirtaa waxqabadkeedu ma xuma  laakiin mararka qaarkood waxaad moodaa in ay degdeg ku jiro. Bal aynu eegno waxqabadka iyo dhisida  wadooyinka.

Aduunyada waxa la siiyaa mudnaanta kowaad dhisida wadooyinka (first priority) maxaa yeelay waadooyinku waxay qayb libaax ka qaataan dhaqaalaha wadanka waxayna fududeeyaan sadarada kala duwan.

Hadaba hadal haynta ugu badan ee Somaliland maalmahan waa dhisida wadada ceerigaabo. Dadku waxay ku doodayaan dodo kala duwan sida qaar ayaa ku odhanaya waa olele oo doorashada ayaa lagu galayaa doodani waa macquul dowladaha afrikanka waxa caado u ah in marka ugug dambayso waxqabad badan qabtaan ama balan qaadaan.

Hadaba su?aashu waxay tahay dowladu way dadaalaysaaye ma waxay garan wayday dhamaystirka 10 km ee gabiley mise ololaha la sheegayo ayaa run ah. Waxaan xasuusta riyaale oo daqiiqadii u dambaysay gobolo magacaabaya waa tusaale fiican taasi way shaqayn wayday oo waynu ogayn wixii ka raacay.

Qofkii xasuusta biriishka labaad ee hargeysa  wuu ku bilaabmay degdeg horana wuu u dhamaan waayay taasna waxa ugug wacnaa  qorhse cad oo aan loo dajin taasna waxay keentay in uu jiitamo dabadeed dowlad cusub dhalatay dabadeed waxqabadkeedi ku darsatay  wadada ceerigaabana waxaan ka baqayaa in ay sidaas oo kale dhacdo.Waxaan xasuusta markii dowladii sii dhacaysay  laba wasiir oo xukumadii riyaale ka wada tirsanaa oo mid ka mid ahi doonayay in mashruuc horimarineed laga fuliyo deegaan uu  ka soo jeeday waxa dhex martay sheekadan

A: wasiir waxaan doonayaa in I siiso waraaq ogolaansho (recommendation letter) si aan mashruucan u fuliyoB: wasiir waraaq aan kuu qorayaa ma jirto A: oo wasiir maxaa dhacay dadkani mayna ahayn kuwa aynu codka ka doonayno

Gababo : markaa aad doonayso in aad qorhsahaagu guulaysto  waa in aad marka hore qorshe cad la timaadaa qaladka hore u dhacay waa in aad ka faa?iidaysataa oo aad saxdaa

Mustafe xasan

Mustafa.143@hotmail.com

COMMENTS
LINKS