Odayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Boqol Dollar Oo Mudo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Uga Jarayaan Jidka Ceerigaabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Odayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Boqol Dollar Oo Mudo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Uga Jarayaan Jidka Ceerigaabo
October 12, 2013 - Written by editor
Odayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Boqol Dollar Oo Mudo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Uga Jarayaan Jidka Ceerigaabo.

 

Mudanayaasha ayaa u codeeyay soojeedinta Guddi hore golahaasi ugu saaray ka talabixinta Boqolkaasi oo mudane kastaa….

Hargeysa(WJN)- Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland ayaa MaantaAnsixiyayBoqol Dollar oo u dhigantay ilaa todobaboqol oo Shilling-ka Somaliland ah, kaasi oo ay ka jarayaan Mushaharkooda mudo hal sano ah si ay ugu deeqaan dhismaha wadada Ceerigaabo.

Mudanayaasha ayaa u codeeyay soojeedinta Guddi hore golahaasi ugu saaray ka talabixinta Boqolkaasi oo mudane kastaa ka jaro mushaharkiisa, waxaanaOgolaaday 33 mudane oo ka mida 43 xildhibaan oo fadhiga ka soo qayb galay, 8 mudane waydiideen halka halmudane ka aamusay gudoomiyuhuna aanu codayn sidaasi ayaanu ku Ansaxay Boqolkaasi Dollar ee mudanayaashu ka jarayaan Mushaharkooda laga bilaabo Bishan October sanadka 2013 ilaa October-teeda kaleee 2014-ka.

Golaha wakiilada ayaa iyana hore u Ansixiyay Boqol kaasi dollar, inkasta oo ay wali jiraan Mudaneyaal Diidan Ansixinta Boqolkaasi Dollar. Mushaharka Mudanayaashu ka jarayaan Mushaharaadkooda ayaa ka dambaysay Olole Xukumaddu wado oo ku Aadan sidii qaadhaan loogu Ururin lahaa Dhismaha jid ka Burco iyo ceerigaabo isku xidha.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS