|
|||||
WAJAALE NEWS
Obama oo Raaligelinta Israa?iil Darteed Weerar Millateri ugu Hanjabay Iran
October 2, 2013 - Written by Wariye:Washington (Wajaale News)- Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama ayaa weerar millateri ugu hanjabay dalka Iran kadib markii uu kulan la yeeshay Ra?iisal-wasaaraha Israa?iil Mr. Netanyahu oo ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loola macaamilayo dublamaasiyad cusub oo uu soo bandhigay Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani si xal looga gaadho muranka nukliyeerka dalkiisa. Madaxweyne Obama oo warbaahinta kula hadlay markii uu dhammaaday wahadal uu guriga Cad shalay kula yeeshay Ra?iisal-wasaaraha Israa?iil waxa uu sheegay inay dalkiisa u furan yihiin dhammaan tallaabooyin uu ku jiro weerar millateri haddii Iran ka waantoobiwaydo samaysashada hub nukliyeer ah. ?Waa in aannu tijaabino dublamaasiyadda, waa in aannu eegno haddii xaqiiqdu tahay inay ka go?an tahay Iran in ay u hoggaansanto qawaaniinta iyo Dhawaaqan ayaa yimi maalmo yar uun kadib wahadal taariikhi ah oo dhexmaray Madaxweyne Obama iyo dheggiisa Iran Xasan Rooxaani oo u sheegay inuu jecelyahay in dalkiisu heshiis kala gaadho quwadaha adduunka barmaamijka nukliyeerkiisa muddo bilo gudahood ah. Haseyeeshee, Ra?iisal-wasaaraha Yuhuudda Netanyahu oo ka soo horjeeda in wax heshiis ah lala galo Iran, ayaa u duulay xarunta Maraykanka ee Washington si uu arrinta wadahadal ugala yeesho Madaxweyne Obama. Maamulka Madaxweyne Obama ayaa soo dhaweeyey siyaasadda uu muujiyey Madaxweyne Rooxaani oo sheekada dhexmartay noqotay xidhiidhkii ugu meeqaamka sarreeyey ee dhexmara labada dal muddo ka badan 30 sannadood, hase ahaatee dawladda Israa?iil ayaa u aragta in aan la fududaysan karin heshiis lala gaadho Iran oo ku saabsan hubka Nukliyeerka ee ay doonayso inay farsamayso. Ra?iisal-wasaaraha Yuhuudda ayaa ku ku dhiirigeliyey Madaxweyne Obama in aan laga dabcin cuno-qabataynta saaran Iran ilaa ay si cad u soo bandhigayso in baabiinta qorshaheeda nukliyeerka ay ku samaysanayso. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|