Musharaxa Jagada Madax-weynaha Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Dawlada Somaliland Ku Hambalyeeyey In Ay Dawladdu Hadda Qaadatay Taladii Ay Siiyeen Isaga Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Jagada Madax-weynaha Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Dawlada Somaliland Ku Hambalyeeyey In Ay Dawladdu Hadda Qaadatay Taladii Ay Siiyeen Isaga Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Xuseen
October 4, 2013 - Written by Wariye:

jamaal cali xuseenStockholm (Wajaale News):-Waxa galabta  madaarka caalamiga ah ee Arlanda International Airport ee magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ka ambabaxay wafti  uu hogaaminayo Musharaxa madax weynaha ee Xisbiga Mucaaridka  ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xussen  oo ku joogay booqasho rasmi ah oo uu ka heley wadanka Sweden oo  qaadatay mudo Toddobaad ah , Isaga oo u kicitimay magaalada Hilsinki ee wadanka Finland.

Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen wadanka sweden waxa ay  kulamo la qaateen madax sare oo ka socota wasaarada arimaha dibbada iyo saraakiil ka tirsan xisbiyada  mucaaridka, iyo Xubno ka socda Aqalka Baarlamanka dalka Sweden iyo Hay?ada Samofalka ee wadanka Sweden ee loo yaqaan SIDA.
arlanda_02
Waxa uu Musharax jamaal Cali Xuseen Uga waramay marxaladihii kala duwanaa iyo wadooyinkii ay soo martay dimuqraadiyda Somaliland iyo ilaa halka ay haantan mareyso iyo arimaha doorashooyinka iyo in ay doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo qoondeeyey iyo  waxa ay u baahanyihiin in Dawlada Sweden ka caaiso Jamhuuriyada Somaliland.

Iasaga oo aad ugu nuuxnuuxsaday baahida Somaliland u qabto in Sweden Ka caawiso Jamhuuriyada   Somaliland Taaba gelinta dimuraadiyada iyo in ay Sweden ka qayb qaatadato dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland.

Waxa kale oo uu kulamo la qaatay Jaaliyadaha iyo dadka reer somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden.gaar ahaan Magaalooyinka Stockholm, J?nk?ping iyo Malm?. Isaga oo uga waramay xaalada guud ee uu dalkii hooyo marayo xaga Siyaasada Dhaqaalaha iyo arimaha bulshadaba.
jamaal_rik_05
Siyaasiyiintii iyo saraakiishii iyo Xubnaha baarlamanka dalka Sweden ee uu la kulmay Musharax Jamaal Cali xuseen waxa uu  ka helay ballan qaad ah inay Somaliland ka caawin doonaan dhinacyada Maamul wanaaga iyo dhamays tirka Dimuqraadiyada.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu mahanaq u jeediyey dad weynaha reer Somaliland ee ku nool wadanka Sweden. Isaga oo uga mahanaqay sida layaabka leh ee ay u soo dhawewyeen..

Musharax Jamaal Intii aanu ka amababixin magaalada Stockholm ayaa waxa uu u habalyeeyey dawlada somaliland oo uu ku tilmaamay in ay qaadatay siyaasadoodii iyo talooyinkii ay u soo jeediyeen.

Musharax Jamaal Isaga oo la hadlaya saxaafada ayaa waxa uu sheegay in dawladu hadda qaadatay taladii ay siiyeen isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Xuseen. Oo ahayd in dawladaha  caalamka ee aynu saaxiibka nahay la weydiisto dhismaha wadooyinka ee aan dhagax beena ummada lagu jaho waeerin. Isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi:-

Waan ku hambalyeynayaa dawlada in maanta ay dawladeenu qaadatay taladii iyo siyaasadayadii aan aniga iyo Guddoomiye Faysal Cali u soo jeedinay. ee ahayd in caalamka iyo wadamada aynu Saaxiibka nahay loo raadiyo  dhaqaalaha lagu dhisayo wadadda ceerigaabo oo aan dhagax beena dadka lagu jahawareerin.

Anagu maanaan diidin in wadadda la dhiso ee waxaanu diidnay in la dhagaxdhigo wado aan shilin loo hayn.Iyo culayska la saarayo dadka danyarta ah.Talaabadan uu madaxweyne Axmed Maxmed Siiraanyo uu dalka Turkiga kaga dalbaday in ay ka caawiyaan dhismaha Waddada ceerigaabo waa cadaadis ka yimi xaga mucaaridka oo si toosa ugu sheegay in dhagax been ah marba meel la dhigin.

Bal eeg waddada Hargeysa iyo Salaxlley tiraba saddex jeer ayey dhagax dhigeen shan kiiloomitir oo ay balan qaadeen dawladu inay dhisayso  ilaa hadana waxba kumey darin.Eeg waddada Baligubadle iyo Dawga Cad. waddii wajaale Jidkii Lughaya Iyo qaar kaloo badan xageebay ku dambeeyeen.

Waxa uu Musharax Jamaal Cali Xuseen wax lagu qoslo ku tilmaay warsaxaafaddeedkii uu shalay soo saarey xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye.waxaanu yidhi.

Waa wax lagu qoslo Xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Rag aqoon iyo karti badan lagu tuhmayo in ay  shaci jabinta ay sameeyeen iyo sharciga ay ku tunteen ay  ku tilmaamaan  wanjalaad iyo dafiraad cad oo ay ku dafirayaan Munaasibaddii aanay u kala hadhin xukuumad iyo xisbi ee ay ku baxday lacagtii ummada ee dhamayd kontanka kun ee doolar 50,000$ ee ay  qaabka sharciga Dawladaha Hoose dhaafsiisan maalinta cad ugu sheegeen inay Hantiyeen xildhibaanno ka soo jeeda Xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo Waliba Maayarka Magaalada Berbera

Qoraal uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf  ayaan meelnaba lagaga soo darin  Laguna dafiray Hadalladii ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo wasiirrada Xukuumadda Goobtii lagu soo dhaweynayey Maayarka Berbera kaga faanayeen inay Hantiyeen oo Gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Tiirarkii magaalada Berbera.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS