|
|||||
WAJAALE NEWS
Muqdisho:Alle Ha U Naxariistee Wariye Maxamed Timacade Oo U Geeriyooday Dhaawac Ay Soo Gaadhsiiyeen Todobaadkii Hore Dablays Hubaysani.
October 27, 2013 - Written by Wariye:Muqdisho(Wajaale News):-Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka mid ahaa wariyeyaasha Telefishinka Universal uga warrama Muqdisho ayaa goor dhowd ku geeriyooday isbitaalka Madiina oo looga daweynayay dhaawac ay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ahi ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir salaasadii lasoo dhaafay. Marxuumka ayaa isbitaalka Madiina looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaadhay rasaas ay kooxaha hubeysan ku fureen, waxaana lagu qalay isla maalintii la dhaawacay isibtaalka Madiina. Allaha u naxariisteen marxuumka ayaa xaaladdiisu ahayd maalmihii aynu soo dhaafnay mid wanaagsan, balse xalay ayuu ku geeriyooday isbitaalka, iyadoo aysan jirin cid ay dowladda Soomaaliya u qabatay dhaawacii ay u geysteen kooxaha hubeysan oo uu u geeriyooday. Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay qorsheynayeen inay dhaawiciisa u qaadaan dalka Uganda si loogu soo daweeyo, waxaana abbihii Maxamuud Cali Faarax uu dhawaan sheegay inuusan ku kalsoonayn in Muqdisho lagu daweeyo wiilkiisa. Marxuumka ayaa wariyeyaasha sannadkan lagu dilay Soomaaliya ka dhigaya wariyihii shanaad, waxaana dhaawiciisa ka hadlay madaxda dowladda iyagoo amar ku bixiyay in sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay. Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu khatarta badan ee suxufiyiin ay ka shaqeeyaan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay weli dhaawaca wariyaha loo geystay ee uu u geeriyooday. Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, iyadoo tani ay qayb ka tahay dhibaatooyinka suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya lagu hayo. Wajaale NewsHargaysa OfficeInfo:wajalenews@gmail.comRelated posts:“Ganacsatada Waxaan Farayaa In Aanay Shicibka Ku Kicinin Ashcaarta, Oo Aanay Ku Adkaynin”Wasiirka Ma... Midawga Afrika Oo Maanta Addis-Abbaba Ugu Shiraya Sidii Ay Afrika Uga Bixi Lahayd Maxakamadda ICC, I... DAAWO;-Abwaanada Axmed Saleebaan Bidde iyo Hurre-walanwal Oo ka Hadlay Khilaafka Xukuumadda iyo Wadd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|