|
|||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Munaasibada Balaadhan Oo Lagu Sabootiyey Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacada Hargaysa Ee Fakalka Bussineska Oo Xaflada Loogu Qabtay Huteel Maasnoor.
October 10, 2013 - Written by editor
Munaasibada Balaadhan Oo Lagu Sabootiyey Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacada Hargaysa Ee Fakalka Bussineska Oo Xaflada Loogu Qabtay Huteel Maasnoor.
Hargaysa:-(WJN)Munaasibada balaadhan oo lagu sabootiyey qaar ka mid ah ardayda jaamcada hargaysa ee fakalka bussineska ayaa xaflada loogu qabtay huteel maasnoor ee magaalada hargaysa.
Munaasibadan lagu sabootinayey ardayda fakalka bussineska ee jamaacada hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland,guddomiyaha jaamcada hargaysa,guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani,guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid,macalimiinta jamaacada iyo marti sharaf kale oo badan.
Ugu horen munaasibadan ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Dr,sacad cali shire oo ka war bixiyey maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen ardaydu iyo siday ganacsi ukeeni karaan waxaana uu yidhi? munaasibada loogu dabaal dagayo qalin jabinta dhalinyarada ka soo baxday fakalka bussineska marka hore waxaan idin leeyahay hanbalyo idinka iyo macalimiinta,kolay waxaad soo barateen qaybta bussineska oo ah ganacsiga loona baahanyahay inaad ganacsi la taaban karo kusoo kordhisaan dalka iyo bulshadaba.
Wasiirka waxa uu intaasi ku daray??kolay shaqadu waa shayga aad waxa ubarteen lakiin hadaad isku tagtaan rag iyo dumarba waxa ayaad qabsan kartaan lakiin hadan waxa muhiim ah idinka oo cid ushaqo taga iyo idinka oo shaqo abuurta idinka oo shaqo abuurta ayaa idiin dhaanta ayaan anigu odhan lahaa.
Waxa kale uu wasiirku sheegay inuu wadanka somaliland yahay wadan yara oo aan lahay kaabayaal dhaqaale waxaana uu yidhi??kolay wadankeenu waa wadan yara oo aan beesha caalamku wali aqoonsan islamarkaa hadii aynu isku tagno waxa aynu qabsan karaa lakiin hadaynu nidhaa yaan ushaqo tagaa,cid shaqo isma siinayso dhulkeenu waa dhul baraaqo ah oo dihan markaas gacmo wada jir ayey waxa ku goyaane aynu waxa wada qabsano.
Waxa isna halkaasi ka hadlay guddomiyaha xisbiga Ucid Eg,Faysal Cali Waraabe Waxaana Uu Yidi??waxaan anigu idiin soo jeedinayaa dawlada iyaad waxba hayne ha sugnee idinku intaad isku tagtaan waxaad abuurtaan shaqo kolay wadanku maanta waxa uu marayaa meelo xasaasi ah oo dalka loo baqan karo ee markaas idinku kolay waydinkaas oo waad dhamayseen jaamacdii oo imika waxaad ubaahantiin shaqo,imika tusaale ahaan dikadii Barbara waxa lagu kordhiyey cashuurtii oo cidna waxba kalama soo dagaysee wixiba waxa ay ubaydheen dhinaca iyo jabuuti iyo bosaaso markaas kolay wadankii ayaa cidhiidh galay ee idinku hadaan talo idin siiyo waxaad waxa ku heli kartaan idinka oo isku taga oo waxa samaysta.
Waxa isna halkaasi ka hadlay guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani Mudane Cabdi Raxmaan Cabdilaahi Ciro waxaana uu yidhi??marka hore aad ayaan idiin salaamayaa intaasi ka dib maanta waxa kale oo la idin yidhaa ma jirto kolay inbadan ayaa waxa soo barateen waxa soo dhigateen la idin kusoo tabcay markaas maanta ayaa la idin rabaa in la idiin aayo waxaad soo barateen xukuumad iyana waxa looga fadhiyaa qorshihii dhalinyarada ee jaamcada dhameeyey ay ugu talo gashay.
Guddomiyaha isaga oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey?maanta waa maalin wayn maalin aanu idin la qayb san doono farxada xaflada aad samaysateen hadaanu nahay xisbiyada mucaaradkana waanu idin barbar taaganay waanan idinku bogaadinaynaa.
Waxa xaflada soo gunaanada soona afmeeray guddomiyaha jaamcada hargaysa waxaana uu yidhi?maanta waa maalin wayn waana maalin tariikhda gashay aad ayaan idiinku mahad celinayaa munaasibadan aad qabsateen sida wanaagsan aad usoon agaasimteen idinka iyo macalimiintiina intaasi ka dib maanta waxaad barateen aqoon,aqoontaas oo ah shayga maanta dunida aynu ku nool nahay kala haga markaas aqoonta lagu sheego maaha mid dhamaata maalinba bej cusub ayaa kuu furmaya sidaas awgeed waxaan anigu idin kula talin lahaa waxaad barateen meel ka muujiyey shaygan la yidhaa ganacsi waa shayga maanta dunida lagu kala ganacsado,imika tusaale hadaad isku tagtaan lacagna aad isku dartaan meel ayaad ka muuqan doontaa albaab kasta garaaci waad garaaci kartaan.
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||||||||||||||||
|