Fadhiga maanta ee mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi md.Saleebaan Maxamuud Aadan ayaaa mudanayaashii ka soo xaadiray fadhigani waxay cod ku meel mariyeen xeerkan ooh ore uga soo gudbay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, iyada oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen. mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo ay ka soo xaadireen 52 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxaana ansixinta xeerkan ogolaaday 45 mudane, waxaana diiday 4 mudane halka ay ka aamuseen 2 mudane gudoomiyuhuna aanu codayn.
Sidaasna waxa ku ansaxay xeerka Police-ka Somaliland oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.