|
|||||
WAJAALE NEWS
Mucaarid Indha´La & iyo Muxaafid Dhaga´La……..Qalinkii Axmed Nuur Guruuje
October 12, 2013 - Written by Wariye:Waagii horre , Hablaha Soomaaliyeed Markay u heesayaan Haanta , ee la lulayo si Subagga loogala baxo Caanaha , waxa jirtay Hees hawleed Habluhu ku heesi jireen , si ay isugu maaweeliyaan , hawsha culayskeedana isugu dhaafiyaan , waxaana ka mid ahaa hees hawleedkan . Imika Umadeenan Reer Somaliland waxaabad moodaa , in Habaarkii Haaanta lagu waday oo Yoolkiisii kasoo Habaabay ku Habsadayoo , Labaddii qaalin ku Cartamayaan , Labaddii qaarna loo kala jaray , iyaba waa bixiseee , ma waxaad aragtay , Mucaarad hadh iyo habeen hadlaya oo Arrin iyo Aaaraah iyo Ujeedado macquula midna aan ku hadlayne aad mooddo , siday u hadlayaaan inay yihiin Dilaaliin saylad isku qaanabaysa , iyo Muxaafid aan Waxba ku dhaamine Xaalkoodu yahay , Dhankaa adag iyo Iska raw , ku adkee , Iska celi , Yaan lagaa badin ha u garaabin . Markaa Xaalkii Siyaasiyeenteenu miyaanu u muuqan Dilaalintaa is qaanabaysa ee Nuxurka buuqoodu yahay , Car iyo qaad iyo Car la dhaqaaaq . ilaahayooow waa taada. Gabiley Office Wajaalae News Info wajalenews@gmail.com Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|