Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo Ee 2014 ,Waa Dhiga Lacagta Bilaa Qorshe Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo Ee 2014 ,Waa Dhiga Lacagta Bilaa Qorshe Ah
October 27, 2013 - Written by Editor:

Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo Ee 2014 ,Waa Dhiga Lacagta Bilaa Qorshe Ah.!!

Hadii aynu eegno Miisaaniyadda Xukuumadda Siilaanyo ee sanadka 2014 ee baarlamaanku ansaxiyay ,waxay dhantahay $ 212’000’000 ama Laba Boqol iyo Laba Iyo Toban Milyan Oo Doolar ,waa cajiib !!.
Waxa ka muuqata naxariis-daro iyo tudhaale la’aan ,iyaddoo ay jirto Sixir barar ,Dhaqaale daro iyo Shaqo La’aan baahsan oo dhalinyaradii reer Somaliland galaafatay .

Markaa culayskii hore ayuun-bay sii Sedex laabaysaa ,tahriibkiina way sii Shan laabaysaa ,hasa yeeshee Xisaab ayaanu diyaar u nahay Xaajiyow.

Dhinaca kale hadii laysku geeyo Miisaaniyaddii Dawladdii hore oo dhan mudo Toban sano ah ,marka laysu wada geeyo waxay noqonaysaa $ 212,000,000.markaa waxa isleeg Tobonka sano ee Miisaaniyaddaa iyo Miisaaniyadda 2014 ,hadaba odhaah carbeed ayaa tidhaada ” Carafnaaka Yaa xalwa Inaka Masnuucaati Mina sukar ” Oo macnaheedu yahay Xalwadey waanu ku gartay in aad ka samaysantahay Sonkor .

Hadaba Mudane Madaxweyne Miisaaniyaddii Xukuumaddii kaa horeysay waxay ahayd  $ 17’000’000 $ 00 doolar ,markaa hadii aad Shaqaalaha u Sedex laabto ,Qarashkiina kale-na aad Sedex laabtaan Totalku waxa uu noqonayaa 3x 17’000’000 $=51’000’000 $.
Marka lagu daro wadada Ceerigaabo oo aad iska dhaaftaan Yaboohda iyo Qaadhaanka  aad dadka iyo caruurta ku wareeriseen oo $ 75’000’000 Doolar ku qiimayseen.

Totaladaasina waxay noqonayaan qarash Dawladeed = $ 51’000’000,
Wadadad Ceerigaabo  lacagteeda oo dhan                  = $ 75’000’000.

____________
$ 126’000’000 Doolar.
Qarash  miisaaniyadeed                                                – $ 212’000’000 doolar
____________

Hadhaa Total                                                              = + $ 86’000’000 Doolar .

Mudane Madaxweyne ,waa in aad ku shubtaa Khasnadda kaydka Qaranka    ,Dadweynaha iyo Xisbiyada Qarankuna sidaasi hawla socdaan .

Waxaanan hadalkayga ku soo xidhayaa (” Intii aad awrka qalaysay ana waan qaybinaayay” ).

Qalinkii Sayid Saleebaan.
Burco Somalila

COMMENTS
LINKS