|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareyaha Wakaalada Biyaha Burco Oo Beeniyay Warar Shegaya in Biyo la-aani ka Jirto Magalada
October 8, 2013 - Written by Wariye:
Maareeyaha waxa kale oo uu tilamaamay in magaalada Burco tahay goob hodon ku ah biyaha, balse kuwa qoraya hadaladaasi been abuurka ah ,waa kuwo ka xun horumarka iyo isbedelka ka hana qaaday xarunta wakaaalada Biyaha Burco. ?Waxa Jira Shaqsiyaad ganacsato ah ,oo mudo la noolaa wakaalada biyaha ,lagana qaadan jiray Shidaalka, spare parts, iyo wixii la mida, anaguna ugu nimi,iyagoo ku leh , deyn gaadhaysa ilaa 480-milyan Sl.Sh, balse markii wakaaladu hanaqaaday ee isku filaatay, abaabulaya xasarad , oo inamo yaryar ku odhanaya website-yada wax ku qora, kuwaas waxaan leeyahay , indhihiinu ha arkaan horumarka iyo waxqabadka dawlada? Ayuu yidhi. Waxa Maareeyuhu xusay in beebka biyaha qaada xoogiisu yahay kii jarmalka , oo ciladi waa iman kartaa haseyeeshee ma jirto wax cilad ama hakad ah oo mar kaliya ku yimi biyaha magaalada . waxaanu carabka ku dhaftay in Burco tahay magaalooyinka ugu biyo badan Dalka , Burcaa biyaa laga waayayna Waxay ka dhigan tahay ayuu yidhi. ? Nugaalbaa dur-dur waydoo , docmaa looga arooraa dad maqaadanayaa? ayuu yidhi Mareyuhu Si Kastaba ha ahatee Wakaalada Biyaha Burco ayaa waxay ka mid tahay hay,addaha dawlada Gobalka Togdheer Ee ku talaabsaday horumarka balaadhan. Hargeysa Office Related posts:Komishanka Tamarta Somaliland Oo Joojiyay Qiimo Kordhin Shirkadaha Korontadu Ku Sameeyeen Shacabka. Madaxweynaha Jsl Oo Kormeer Ku Tegay Xarumaha Ciidamada Dab-damiska, Socdaalka Iyo Qaar Kamida Xarum... DAAWO ; Madax Dhaqameed Gobolka Togdheer Oo Taageeray Shirkii Ceerigaabo Lagaga Dhawaaqay, Eeda Culu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|