magilgilo suldaamada ninkii awkasoo go.aye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
magilgilo suldaamada ninkii awkasoo go.aye
October 22, 2013 - Written by Editor:

yuusuf jama

Waxaan maalmahan ku arkayay warbaahinta qaarkeed maqaal lagu aflagaadaynayo suldaan guud ee gobolka gabiley suldaan ismail suldaan cabdiraxmaan .maqaalkaas oo uu qorey nin layidhaa mustafe sh, abuubakar xuseen ; waxaa layaable qofka  kukaca falnoocaasa isagoo aflagaadayna madaxdii dhaqanka. Waxaan leeyahay saxaafadu hakafiirsato qoraalada noocaasa. Ee aan xaqiiqda udhawayn .suldaan ismail waa hogaankii dhaqanka ee soomaliland wuuna kasareeyaa inuu qof ama laba qof oo xusbi kutartamaya kala raacistooda waayo,wuxuu hayaa milge kasareeya taageero xusbi wuxuuna kamid yahay hormoodkii suurta galiyay in shirkii beeshu dhaco kana ilaaliyay inuu noqdo wax qof lagu taageero,qofna lagaga tashado.waana takadhigtay in milgihii beeshu kabadbaado xurguf siyaasadeed qofkastaana manta kufaanayo wixii agabar kazoo baxay, suldaanku , waa tiiararka galaha guurtida waynu ognahay qiimaha aydalka kuleeyihiin  waxaan xasuusunayaa inta larabo in laqaldo in hamiga suldaanku kasareeyo, kalaraacista aan melena haysan muuse iyo samaalana labada uu suldaan u yahay maantana aanay joogin xili olole gabiley lagabilaa aan cirkiisii daruuray. Inuu da,o baldaayo .

Waxaan leeyahay warbaahinta kafiirsada waxa la idiin soodiray qofkasta oo caadaystay inuu qof cebeeyana iska hubiya waxa uu idiinsooqoray taasi waa soodeen bahda wax qorta oo ah meesha kaliya ee umada laga baarujiyo, haday tahay wanaag iyo wax wada qabsi runtiina maaha inaynoqoto meel bulshada inta samcada leh lagu xagxagto, qofkastoo iskii isku taagi waayayna qofkale xagaha qabsado silayskula wada dago taasi waxay iga tahay waano.

Waxaan leeyahay mustafe waxa ayaan daro ah in aad suldaankagii aflagadayso iyadoo aad kaxeshoon wayday sharafta iyo haybada uu usido bulshada uu hogaanka u yahay .kudarsoo miyuuna damiirkaagu kusiinayn waxaad sheegaso in marka hore dhagahaagu maqlaan oo aad isdhagaysatid;

Waxaad caadaysatay inaad marba ninka kuugu dhaw aad meelahaa wax aad ku ceebaynaso ku qorqortid taasi guul maaha waxaad faraha kula jirtaa calooshaada

Intaasi waxay iga tahay xasuusin in si hadii ilaahay ku garansiiyo ay wax kuugu noqoto si aad uga waan towdid dad in aan la aflagadaynin. Talabaad waxaan kusoo jeedinlahaa in indhahaagu arkaan in kafog  inta maanta ay arkayaan dhagihii ALLE.waansho  ayaa waantooba;

Waxaan hadalkaga kaga baxayaa murdii ahayd

Gudabaas midlaga keenayoo garaca mooyaane magilgilo suldaamada ninkii awkasoo go.aye

Wabilaahi tawfiiq

Yuusuf j. hersi

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS