Magalada Burco Oo Maanta si Baladhan Looga Ciiday Munaasibada Ciidul Udxa iyo Wasiirka Cadalada Somaliland Oo Kala Qayb-Galay Munasibadaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magalada Burco Oo Maanta si Baladhan Looga Ciiday Munaasibada Ciidul Udxa iyo Wasiirka Cadalada Somaliland Oo Kala Qayb-Galay Munasibadaasi
October 15, 2013 - Written by Wariye:

Burco (Wajaale News) Kumanaan ka Mid ah Dadwaynaha ku Dhaqan Magalada Burco Ee Xarunta G/Togdheer ayaa maanta si baladhan ugu ciiday magalada burco.
Garoonka Kubada Cagta Ee Alamsy Stadium burco oo ah Garoonka Ugu Wayn ee sanad kasta lagu tukado saaladaha ciida ayaa maanta dadwaynihii ugu tirada badnaa ay ku tukadeen garonkaasi.

Dadwaynaha Magalada Burco ayaa waxa Munaasibada ciida waxa kale qayb-galay Wasiirka Cadalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.Gudomiyaha G/Togdheer.Maayirka Degmada burco iyo masuliyin kale oo aad u tiro badan.
Ugu Horaynba intii aanu la tukanin Salada Ciidul udxa ayaa Waxa Halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad waxaanu Shegay inay Maalintani Tahay mid ku Wayn Dhamaanba Ummada islaamka isla markaasn wuxuu Tilmaamay in loo baahan yahay sidii looga Fogaan Lahaa Shay kasta Oo Dhaliya Xumaanta.
Maayir Muraad ayaa sidoo kale Guud ahaanba Bulshada Gobalka Togdheer Ugu Baaqay inay ka qayb-qataan Gaydh Lagu Wareejin-Doono Xabalaha ku Yaala Magalada Burco Oo Uu Xusay inuu Wakhtigani ka Muuqdo Dayac Badani isla Markaasna Loo Baahan Yahay in layska Kaashado Dhisitankooda

Gudomiyaha Gobalka Togdheer Axmed Cumer X- C/laahi (Xamarji) Oo isaguna Dadwaynaha Tukanayay Salaada Halkaasi kala Hadlay ayaa Bulshada Reer Burco ku Gubabiyay inay ka qayb-qataan Dhismaha Wadada Cerigabo Oo Uu Tilmaamay inay Tahay Waddo Halbowle u ah Bulshada Reer Somaliland.

Wasiirka Wasarada Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid Oo isagu Hogaminayay Wafti ka Socday Xukumada ayaa Guud ahaanba Bulshada Gobalka Togdheer ku Hanbalyeeyay Munaasibada Ciidul udxa.

Wasiirka ayaa Dadwaynaha ku Dhaqan Gobalka Togdheer usoo Jeediyay in Yar iyo Waynba Laga Qayb-Qaato Dhismaha Wadada Cerigabo iyo Burco.Waxaanu Tilmaamay inay Wadadani Tahay Waddo Qaran Loona Baahan in Dhismaheeda Layska Khaasado.
Ugu Danbayntii Waxa Maanta sidan Oo Kale Looga Ciiday Guud ahaanba Gobalada iyo Degmooyinka S/Land.Waxaana Wararka Soo Gaadhay Shabakada Calamiga ah Ee Hadhwanaagnews ay Shegayaan inay ku qabsomeen si nabad-galyo ah.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS