Magaacibada Gudida Wadanka Ingiriiska Ee Qadhaanka Wadada Ceerigaabo Oo Noqday Kuwii Umaddu U Baahnayd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaacibada Gudida Wadanka Ingiriiska Ee Qadhaanka Wadada Ceerigaabo Oo Noqday Kuwii Umaddu U Baahnayd.
October 27, 2013 - Written by editor
maanta sheekadu ma joogto dan Shaqsi iyo mid xisbi qof leh ee Waa Hawl Qaran………

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

London(Wajaale-news)-Waxanu dadka ka codsanayaa in shirweynahaa danbe ee laysugu imanaayo , lagu soo magacaabo shaqsiyaad hawshaasi lagu aamini-karo oo dan gaara ugu dhex-jirin ,isla-markaana ay ka dhabtahay yimaado tageerada wadadaasi ,…..maanta sheekadu ma joogto dan Shaqsi iyo mid xisbi qof leh ee Waa Hawl Qaran

Kulan Lagaga Hadlayey Waddada Ceerigaabo Iyo Burco u dhexaysa , ayaa lagu qabtay dhawaan Magaalada London., isla-markaana waxaan ognahay in hawshan u baahan-tahay in si wanaagsan loo taageero iyo weliba in xilweyn layska saaro si ay u hirgasho, waxaynu ognahay in madaxweynahu u igmaday gudi iminka Gudoomiyahoodii soo gaadhay Magaalada London.

Hadaba gudiga la baxday qabanqaabiyaasha , ayaa halkaasi ka iclaamineynaa in shirweyne laysugu yimaado , isla-markaana ka sheegeen in ay go’aamiyeen goobtii iyo maalintii, waxaana ay sheegeen in ay warbaahinta soo gelindoonaan maalinta iyo goobta lagu qabanayo intaba.

Hadaba waxaa shirkan si cad uga dhexmuuqday , gacan weyna ku lahaa gudiga Xisbiga Wadani ee UK oo hogaaminaayo Gudoomiyaha xisbiga mucaradka ah ee Wadani ee dalkan ingiriiska md, Axmed Maxamd Cali Naahi, iyo xubno kale oo fara-badan oo mucaarad aan loo baahnayn ka dhec wada wadadaasi qiimaha umadda u leh , runtii cidna kama qarsoona ujeedada Xubnahaasi ay ka leeyihiin , in aan looga hormarin hawshaasi, waxanaan ku dhafayaa , hadafka ay wataan Xubnahaasi Wadani iyo saaxibadood ee UK, waa mid aan qorsoonayn oo yaalla , meelaha fadhiyada laysugu yimadaan iyo meelaha gaara ee ay kulmaan , kuna balanqadeen in ay majaraha ka leexiyaan wadadaaasi , umadda u soo jeesatay in wax laga qabto.

Gudoomiye Cirro ayaa waxa uu sheegay dhawaan in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisuba ay hormood ka yihiin ka qayb qaadashada Horumarka dalka.lakiin waxaa jira xubno xisbigaasi ku jira oo iyagu ka soo horjeeda hadafka Xisbiga Wadani.

Waxaa loo baahanyahay in xisbiga Wadani ,uu hormood ka noqdo, kaalin kasta oo waddanka horumarkiisa ah, siiba dhismaha Waddada Ceerigaabo , isla-markaan waa wax lala yaabo in Xisbiga Wadani lagu calaamadiyo, inuu ka soo hor jeedo Horumarka wadanka siiba waddada Ceerigaabo.”

Ugu Danbeyn waxaan u mahadinayaa gudidan sharafta leh ee madaxweynaha S/land u magaacabay Wadada Ceerigaabo , iminka waxaa loo baahanyahay in shirka danbe ee la qabanaayo magaalo kastaaba ingiriiska ah, ay iskeed isu abaabusho , lagana saaro gacmaha hoosaasada ka dhex wada , isla-markaana lagu unkaa gudi u badan Culimo-diin iyo dad daacada oo umaddu ay u hanweyntahay , kana midho dhalin-kara himilada waxqabadka wadada dhismaha ceerigaabo, oo aan la daawan sidii xubnihii ka mid ahaa shirkii la soo qabanqaabiyey.

Waanan ku garab-taaganahay gudida guud ee wadada Ceerigaabo dedaalkooda, hawshan iyo dedaalka loogu jiro in wadanku isu furmo, si ay dadku ay uga faadideystaan kheyrkooda iyio weliba inay booqdaan goobaha bilicda leh ee dalxiiska loo taggo ee ku yaala G/Sanaag iyo waxa kale oo ku hagaagaya waxsoosaarka iminka cakiran ee dadka gobolkan ku nooli ay hayaan.

Waxanu dadka ka codsanayaa in shirweynahaa danbe ee laysugu imanaayo , lagu soo magacaabo shaqsiyaad hawshaasi lagu aamini-karo oo dan gaara ugu dhexjirin , isla-markaana ay ka dhabtahay tageerada wadadaasi, waayo, waxaan ognahay in gudiyo badan ay iskood isu- magacabeen, halka qaar iminka ay soo ordayaan , waxaan leeyahay maanta sheekadu ma joogto dan Shaqsi iyo mid xisbi qof leh ee waa hawl qaran.

Allaa Mahadleh
Qalinkii Siciid Osman Axmed
London/Uk.

COMMENTS
LINKS