Madaxweyne Siiraanyo oo Xukuumaddiisa ku Amray Wareegto Qaadhaan Loogu Jarayo Wadada Ceerigaabo Iskana Reebay Isaga Iyo ku-xigeenkiisu
October 3, 2013 - Written by Wariye:
Wareegtadan Madaxweynuhu soo saaray ayuu ku socodsiiyay wasiirka wasaarada Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale, Halka wasiirada kale ee xukuumada ogaysiin la siiyay
Wareegtadan ayaa cimrigeedu yahay muddo hal sano ah oo ka bilaabmaysa Bishan Octobar ee 2013 ilaa October eesanadka 2014.
Wareegtadan oo lagu soo qorsheeyay,sida looga jarayo qaadhaankan iyo qaababka darajo ee mushaharka ayaa ah sidan; in wasiir kasta laga jaro mushaharkiisa bishii 1,200,00 S/l sh, Askari kasta oo ka tirsan ciidamada Somaliland isna laga jaro bilkasta mushaharkiisa 21,000 oo S/l sh, Maareeye kastana laga jaro bil kasta mushaharkiisa 700,000 oo S/l sh, Shaqaale hoosaadka wasaaradaha ayaa digreetadani amraysaa in iyagana mushaharka looga jaro waxaanay u dhignayd sidan;shaq alaha Darajada (A) ku mushahar qaata oo laga jari doono bil kasta 49,000 oo S/l sh Darajada (B) ayaa iyadana laga jari doonaa 35,000 S/l sh halka Darajada (C) laga jari doono 25,000S/l sh Darajada ugu hoosaysa ee ah (D) iyadana laga jari doono qofkasta 7,000 S/l sh.
Sidoo kale wareegtadani waxay amraysaa in dhamaan Dakhliga Dawladaha hoose ee dalka iyana laga jari doono boqolkiiba laba (2%).
Hadaba,Wareegtadan ayaa Madaxweynuhu ku amray Wasiirka wasaarada Maaliyada inuu dhamaan lacagtaas uu ku shubo Account gaar ah oo loo sameeyay qaadhaan ururinta wadada isku xidha gobolada Togdheer iyo Sanaag.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu ku xusay wareegtadan in labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada si dadban looga goyn doono wixii kaga soo hagaaga qaadhaanka dhisida wadadaas.
Sikastaba ha’ahaatee, Waa markii u horaysay ee xukuumada Somaliland ay soo saarto wareegto qaadhaan intaa le’eg loogu ururinayo wado laga dhisayo Somaliland, iyadoo badiba Gobolada Dalka ay ka socdaan dhismayaal wadooyin oo tiro badan, waxaana isla todobaadkan madaxweynuhu wareegto ku magacaabay gudida qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo Gudidaas oo tiradoodu dhamayd toban xubnood oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali.
Wareegtadan ayaa culays ku noqonaysa shaqaalaha dawlada oo aan awalba mushahar kafeeya qaadan jirin