Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Wadamada Debada,Kana Fal Celiyey Hadalo Aan U Roonayn Dhagaha Reer Somaliland Oo Ka Soo Yeedha Madaxweynaha Somaliya+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Wadamada Debada,Kana Fal Celiyey Hadalo Aan U Roonayn Dhagaha Reer Somaliland Oo Ka Soo Yeedha Madaxweynaha Somaliya+Sawiro
October 1, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu kicitay qaar ka mid ah wadamada debada.

Hargeysa(WJN):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu kicitay qaar ka mid ah wadamada debada.

Madaxweynaha Somaliland oo ay safarkiisa ku wehelin doonaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo ay ka mid yihiin  wasiirka arimaha debada Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka ganacsiga.

Ayaa waxay ku horayn doonaan wadankak Turkiga halkaas oo madaxweyne Siilaanyo sheegay inay ka heleen marti

qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu ka bixin garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee garoonka caasimada ayaa waxa uu ka warbixiyey ujeedada safarkiisa waxaanu tilmaamay inay ku horayn doonaan wadanka Turkiga oo uu madaxweynuhu sheegay inay ka heleen marti qaad rasmi ah.

Ugu horayn madaxweyne Siilaanyo oo ka war bixinaya safarka wadanka Turkiga ayaa waxa uu yidhi ?waxaan halkan idiinka sheegayaa in wafti aan wato aanu  u anba baxayno dalka Turkiga halkaas oo aanu martiqaad ka helnay iyada oo aanu la kulmi doono madaxda dalkaas anaga oo ka wada hadli doona danaha ka dhaxeeya labada dal iyo wixii dani inoogu jirto, waxaanu rajaynaynaa inaanu dalkaas kala kulano marti qaad fiican iyo inaanu ka wada hadli doono wixii ay dani ugu jirto labada dal.? Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo wadanka Turkiga ayaa waxa uu yidhi ?dalkaas waxa inaga dhaxeeya dano taariikh ah mucaawinooyin badana waynu ka helnaa,waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin  macdan baadhista ayaana ka mid ah waxyaalaha inaga dhaxeeya arimahaasna waanu ka soo wada hadli doonaa.?

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu markan jawaab kulul ka bixiyey hadalo inta badan ka soo yeedha madaxweynaha Somaliya oo uu ku sheego in wada hadalka dib loogu soo celinayo midnimadii somaliya waxaanu madaxweyne Siilaanyo kaga jawaab celiyey ?

?waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka cadeeyo hadalo inta badan ka soo yeedha madaxweynah Somaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  kaas oo uu ku tilmaamo inay wada hadal na dhex mari doonaan inaanu nahay dal ay isku soo noqon doonaan, waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanaan marna ka xiiqaynin  inaanu cadayno inay Somaliland tahay qaran madax banaan hadii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadlina aan marna laga noqoynayn madax banaanida wadanka oo aan ahayn mid  caadifad ku dhisan ee ay tahay wax umadani ku tashatay wixii soo marayna la ogaa iyada oo madax banaanida somaliland ay  tahay mid muqadas ah laakiin wixii wada hadala, wixii dana  iyo wixii is af garad ah wax aanu ka qabnaa ma jirto, laakiin waxaanu mar walba cadaynaynaa inaanay arintaasi ahay mid caadifad ku dhisan, waxaanan rajaynaynaa inaan safarkaas kala soo noqono guul.?ayuu hadalkiisa ku soo xidhay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@Gmail.com

COMMENTS
LINKS