Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Alpha Ee Magaalada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Alpha Ee Magaalada Hargeysa
October 2, 2013 - Written by Wariye:

alpha universentyHargeysa(Wajaale News):-madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweyaha mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay jaamacada Alpha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada ardaydan lagu gudoonsiinayey shahaadooyinka oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada,masuuliyiinta dawlada Hoose ee caasimada,waalidiinta ardaydoodu ka
qalin jabisay jaamcada Alpha iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha jaamacada Alpha universenty ABDIRAXMAN MAXAMED MAAL oo ugu horayntiiba ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacada Alpha, isaga oo hanbalyo balaadhan u diray ardayda ka qalin jabisay jaamacada Alpha iyo waalidoontooda mudada ku soo tabcayey waxaanu yidhi ?jaamacada Alpha waxa la aas aasay sanadkii 2009 waxaana ay ilaa hada dhisan tahay mudo afar sano ah taas oo ay iska diwaan geliyeen 2190 arday kuwaas oo dhigta ama ka baxay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hargeyda, maantana waxa halkan ku qalin jabinaya dufcadii labaad ee ka soo baxda jaamacadan , iyada oo dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa jaamacadan ay tiradoodu ahayd 427 arday, sanadkan ardayda jaamacada ka baxaysaa waxay tiradoodu dhan tahay 368 arday kuwaas oo kala ah 279 wiilal ah  iyo 96 gabdho ah, kuwaas oo ka qalin jabinaya  kuliyadaha kala duwan ee jaamacada.?

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey ardaydan ka soo baxday jaamacada Alpha waxaanu kula dardaarma inay bulshadooda kala dagaalamaan sadexda cudur ee Jahliga,Gaajada iyo cudurka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ? maanta waxa farxad ii ah inaan idin kala soo qayb galo munaasibadan balaadhan ee ay ku qalin jabinayaan ardayda jaamacada Alpha, waxaana jaamacada Hargeysa iyo jaamacada Alpha ka soo ka soo baxay arday ku dhaw kun arday kuwaas oo aan odhan karo waa ciidan u soo baxay bulshada iyo qaranka Somaliland kuwaas oo umada ka difaaci doonaa sadexda cudur ee aduunka ugu khatarsan kuwas oo kala  ah gaajada,Jahliga iyo cudurka, waxaanan filayaa inaan noqon doontaan ciidan aad u qalabaysan oo ka hor tagi doona cadawga balaadhan ee aan sheegay.?

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu ku dhiiri geliyey ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha kala duwan ee dalka inay ku wax ku soo kordhiyaan bulshada Somaliland, waxaanu sheegay in qofka wax bartay uu bulshadiisa ku soo kordhin karo wax soo saar iyo dhaqaale badan isaga oo tilmaamay in cilmiga ay barteen uu dalka u soo kordhiyo horu mar.

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo soo gunaanaday munaasibadan ayaa hormoodka kuliyadaha jaamacadaha dalka u soo jeediyey inay kor u qaadan tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha dalka waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?waxaan u mahad naqayaa waalidiinta ku soo tabcaysay ardaydan maanta ka qalin jabinaysa jaamacada Alpha iyo macalimiintii mudada ku soo tabcaysay ardaydan, hanbalyada ugu wayn waxaan siinayaa ardayda maanta qalin jabinaysa ee dedaalka halkan ku soo gaadhay  waxaanan leeyahay dedaalka halkaa ka sii wada, waxaan leeyahay hormoodka jaamacadaha dalka waxa la gaadhay wakhtigii tayada, oo arday  tayo lihi ay ka soo baxaan jaamacadaha dalka sababtoo ah , waxaanu maqli jirnay ama jaamacadihii aanu soo marnay aanu garanaynaa  waa la qalin jabiyey oo faro badan ayaanu maqlaynaa fara badan wali maanu maqal cid la leeyahay wax ayaa u dhiman, markaa yaanay inaga noqon ganacsi ee waa in ardayda tayadooda kor loo qaadaa.?

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu dardaaran u soo jeediyey guud ahaanba bahda waxbarashada sare ee dalka waxaanu kula dardaarmay in la ilaaliyo tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha dalka isla markaana kor loo qaado heerka aqooneed ee ardayga oo aan lagu de degin qalin jabinta.

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu shahaadooyinkii loogu tala galay gudoonsiyey ardaydii ka qalin jabisay jaamacada Alpha.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS