Madaxweyne Daahir Riyaale Iyo Xaaskiisa Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Daahir Riyaale Iyo Xaaskiisa Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa
October 12, 2013 - Written by Wariye:

daahir riyaaleHargeysa (Wajaale News)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay dalka dib ugu soo noqday ka mudo dheer oo uu dalka dibediisa ku maqnaa.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ay weheliso Marwadiisa Huda Barkhad ayaa waxa madaarka Hargeysa Ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan
Dahir Riyaale oo ah madaxweynihii labaad ee Somaliland ayaa dalka dibedda uga maqnaa intii badneyd mudadii ka danbeysay doorashooyinkii dalka ka dhacay 2010kii.
Doorashooyinkaa oo looga guleysatay ka dib ayuu madaxweynuha iyo qoyskiisuba waxa ay ku noolaayeen dalka Faransiiska.
Dahir Riyaale ayaa xilka si taariikhi ah ugu wareejiyay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo kaga guuleystay doorasho.
Madaxweyne Daahir Riaale ayaa saxaafada kula hadlin madaarka Hargeysa ayaaney cadeyn ujjeedada soo noqoshadiisa.
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa dalka dib ugu soo noqonaya xili ay xaalad siyaasadeed u dhexeyso xukuumada madaxweynihii xilka kala wareegay iyo mucaaridka dalka.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS