Madaxweynaha Sudan Omar Hassan al-Bashir, Oo Booqasho Xal Raadis Ah Ku Tagaya Dalka Koonfurta Sudan Lana Kulmaya Dhigiissa Salva Kiir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Sudan Omar Hassan al-Bashir, Oo Booqasho Xal Raadis Ah Ku Tagaya Dalka Koonfurta Sudan Lana Kulmaya Dhigiissa Salva Kiir
October 20, 2013 - Written by Wariye:

bashar al asadKampala-(Wajaale News)- Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Sudan Omar Hassan al-Bashir,  ayaa booqaho aan rasmi ahayn ku tagaya Salaasadda soo socota magaalo madaxdda wadanka Koonfurta Sudan ee Juba, kaddib markii  uu marti-qaad ka helay Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir, sidaa-na waxa lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda Wararka ufaafisa dalka Sudan ee lagu magacaabo SUNA.

Madaxweyne  Omar Hassan al-Bashir, waxa socdaalkiisan ku wehelin doona Wasiiro iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumaddiisa, waxaanay  Labada Madaxweyne diiradda saari doonaan xal u helida qalalaasaha iyo xurgufta ka alloosan xadka labada dal u dhexeeya iyo sidii loo abuuri lahaa jawi xasiloon oo oo suurtagal ka dhiga socdsiinta danaha dhaqaale iyo horumarineed ee labadda dal u dhexeeya.

Sidoo kale, Labadda dhinac waxa ay kulan-koodan ku qaadaa dhiggi doonaan soo saarista saliida iyo kheyraadka hodanka uu ku yahay gobalka Abyei.

Safiirka dalka Koonfurta Sudan u fadhiya magaaladda Khartoum, ayaa dabayaaqaddii todobaadkii hore u sheegay Wargeys madax banaan oo ka soo baxa dalka Sudan u sheegay in Madaxweynaha Koonfurta Sudan uu martiqaad u fidiyay dhiggiisa dalka Sudan.

Dalka Sudan ayaa muddooyinkii danbe ay soo wajaheen dibad baxyo gacan ka hadal wata oo aku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aad u badani ka ddib markii ay dawladdu joojisay lacagtii ay ku kabi jirtay shidaalka, quutal daruurigana uu qiimihiisii kor u kacay.

Booqashadan uu madaxweynaha Sudan Ku Tagayo dalka Koonfurta Sudan ayaa noqonaysa ti Labaad ee uu ku tago dalkaa tan iyo markii uu xornimadda ka qaaday dalkaasi. Sidoo kale, ganacsiga iyo dhaqaalaha labadan dal waxa ragaadiyay dagaaladda iyo colaadaha ka dhex alloosan labadda dhinac.
Sidoo kale, dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo dhaqaalaha eee dalka Koonfurta Sudan ayaa hoos u dhac weyni ku yimi taas oo loo aanaynayo amni darrida iyo dagaaladda ka jira xudduudda labada dal u dhexeeya, iyada oo heshiis-kii Addis Ababa ee ay Labadda wadan wada gaadheen aan la fulin.

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS