|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Xilliga Uu Ciidammadiisa Kala Bixi Doono Soomaaliya
October 28, 2013 - Written by Wariye:
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo saxaafadda ugu warramay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ciidammadiisu ka bixi doonaan gudaha Soomaaliya marka nabad iyo kala dambayn joogto ah ka hirgasho dalkaas, isla markaana laga cidhibtiro ururka Al-shabaab oo uu xusay inay khatar ku tahay ammaanka dalalka Geeska Afrika. Waxaan xaqiijinaynaa ammaanka dalkeenna innagoo kaashanayna UN-ka, ujeeddaduna waa in la xaqiijiyo ammaanka guud ahaan shacabkeenna. Waxaanan kordhinaynaa la socodka ammaanka, ayuu yidhi Madaxweyne Kenyatta, isagoo sidoo tilmaamay in weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate Mall bishii hore aannu joojin doonin hawlaha ay dawladdiisu qaybta ka tahay ee lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka Soomaaliya. ?Kenya marna kama baaqsan doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada caalamiga ah. Waxaan sii wadaynaa wadashaqeynta nagala dhexeysa kuwa aan saaxiibbada nahay si loo burburiyo argagaxisada,? ayuu yidhi Madaxweyne Uhuru. Madaxweynaha Kenya ayaa dhinaca kale saxaafadda dalkiisa ku eedeeyey inay si fool xun u tebiyeen weerarkii bishii hore ka dhacay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi, isagoo xusay in ilaalin waayeen dareenkii murugada lahaa ee heystay eheladii dadkooda ku waayey weerarkaas Al-shabaab ka fulisay gudaha magaalada Nairobi.
Wajaale NewsHargaysa OfficeInfo:wajalenews@gmail.comRepoter:Abdiqadir Abdiraxman HabaneRelated posts:Maraykanka Oo Madaxwayne farmaajo Ugu Baaqay In Kiiska Bada Ee Udhexeeya Kenya lagu Dhameeyo Meel Ka... Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirradu ay Khamiis kasta u Fadhiistaan Oo Maalinta Bari ah La F... DAAWO;-Madaxwayne Biixi Oo Ka Dareen Celiyay Baaqii Shacab Ee Ay Dhawaan Soo Saareen Qaarkamid Ah Dh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|