Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Tacsi U Diraya Dhammaan Shacbiga Somaliland, Isaga Oo Ka Tacsiyadaynaaya Geerida Ku Timid Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan Oo Ku Geeriyooday Gabilay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Tacsi U Diraya Dhammaan Shacbiga Somaliland, Isaga Oo Ka Tacsiyadaynaaya Geerida Ku Timid Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan Oo Ku Geeriyooday Gabilay.
October 19, 2013 - Written by Wariye:

madaxwayne siraanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ku geeriyooday 19/10/2013 Gabiley.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed ka baxay qaranka Jamhuuriyada Somaliland door muhiim ahna ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, sida nabadayntii beelaha somaliland iyo dawladnimada iyo dimuquraadiyada dalkaba, horena waxa uu marxuumku uga soo qayb-qaatay halkankii dalka lagu horeeyey.

 

Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir  Abdiraxmaan Habane

COMMENTS
LINKS