|
|||||
WAJAALE NEWS
MADAXWAYNE SILAANYO OO XILKII KA QAADAY AGAASIMIHII GUUD EE WASARADA DUULISTA IYO HAWADA MID CUSUBNA MAGACAABAY
October 31, 2013 - Written by editorDate: –31 / 10/2013
Warsaxafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina u magacaabay Agaasime cusub. Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi Mudane. Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Related posts:DAAWO; Murashax Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamadda Sare Kasoo Saartay Khilaafka Xi... Idaacadda BBC Oo Waraysi La Yeelatay Weriye Mustafe Oo Waxka Qoray Maaddii Iyo Mahadhooyinkii Ax... Wareegii Koowaad Ee Doorashada Gudomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Soo Dhamaatay Iyo Afar Musharax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|