Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan (Saylici) Ayaa Si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Dhismaha Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Horumarinta Waxbarashada Caruurta Ee Magaceeda Loo Soo Gaabiyo UNICEF | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan (Saylici) Ayaa Si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Dhismaha Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Horumarinta Waxbarashada Caruurta Ee Magaceeda Loo Soo Gaabiyo UNICEF
October 31, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray dhismaha xarunta hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta waxbarashada caruurta ee magaceeda loo soo gaabiyo UNICEF taasi oo laga yagleelay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

 IMG_5266.JPG

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo furay xaruuntaasi kana hadlay ayaa uga mahad celiyay hay’adda Unicef adeegyada horumarineed ee ay ka gaystaan guud-ahaan somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici)

IMG_5269.JPG

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxaa uu si faahfaahsan uga waramay mashaariicaha kala duwan ee ay hay’adda unicef ka fuliso Somaliland kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo adeegyo kale gebegabadii waxa uu Madaxwayne ku xigeenku ugu baaqay guud ahaan hay’daha qaramada midoobay in ay sii libin-laabaan deeqaha ay siiyaan Somaliland.

 IMG_5277.JPG

 wasiirka qorshaynta qaranka somaliland Dr. sacad cali shire oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in uu goobjoog ahaa maalintii la dhagax-dhigay.

IMG_5357.JPG

SIKANDER oo ku hadlaayay magaca unicef ayaa sheegay in somaliland shaqadooda ay ka bilaabeen sanadkii 1972 kii munaasibadaasi ayaa waxaa kala qaybgalay madaxwayne ku xigeenka xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland  iyo madax kale oo ka socotay hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee qaramada midoobay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS