|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacbiga Reer S/Land Iyo Dhamaan U Mada Muslimiinta Daawo
October 15, 2013 - Written by Wariye:
Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.
Aamiin Aamiin Aamiin Hambalyadaas Ciida ka dib, waxaan Bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka muddada dheer ay soo wadeen, iyaga oo shacbi iyo dawladba is-kaashanaya.
Dedaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timid Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda.
Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa.
Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka.
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Wajaale News Hargaysa Office Info Wajalenews@gmail.com Repoter; Abdiqadir Abdiraxman Habane Related posts:Deg Deg Xaalad Bandoo Ah Oo Lagu Soo Rogay Gobolka Sanaag Iyo Taliyayaasha Ciidanka Oo Ka Hadlay Ama... Siyaasi Xuseen Deyr Oo Aragti Ka Bixiyey Marxaladaha Siyaasadeed, Soona Jeediyey In Laga Fiirasho Qo... Wasiir Koore Iyo Telefishanka Uu Maamulo Oo Weli Ku Jira Ololihii Doorashadii shir guddoonka G, Waki... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|