Maareeyaha Wakaalada Korontada Hargeysa Oo Ka Hadlay Asbaabaha Keenay In Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Dabku Ka Bakhtiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Wakaalada Korontada Hargeysa Oo Ka Hadlay Asbaabaha Keenay In Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Dabku Ka Bakhtiyo
October 13, 2013 - Written by Wariye:

Axmed Yaasiin Maxamed JaamacHargeysa -(Wajaale News) – Mareeyaha Wakaalada korontada ee caasimada Hargeysa Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay dabka oo labadii habeen ee u danbeeyay ka bakhtiisnaa qaybo ka mid ah Hargeysa, taas oo ay qaar ka tirsan warvbaahintu baahiyeen in masuuliyiinta Korantadu afka ka xidheen, ayaa Maareeyaha wakaalada oo uga xogwaramay shalay Haatuf waxa uu sheegay in ay cillad farsamo ku timid mid ka mid ah Mishiinada u qaybiya dabka degmooyinka Caasimada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay ku hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen mishiinkaasi, isla markaana u soo celin lahaayeen dabkii qaybahaasi helayeen. Maareeyuhu isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi
Waxaan ka raaligelinayaa dadka laydhku habeenkii labadii habeen ee u dambeeyay ka bakhtiyay, waxaa jiray cilado xagga mashiinada ah oo u baahan dayactir, dayactirkiina hadda ayaanu ku guda jirnaa, waxaa laga yaabaa in wiigan aanu tagno wadanka Itoobiya si aanu ula soo xaajoono nimankii sameeyay si ay ugu sameeyaan dayactir guud, waxaanan faraha ku haynaa si aanu laydhku magaalada mar danbe uga bakhtiyin, waanan ku dadaalaynaa in aanay magaaladu mar danbe laydh waayin,? ayuu yidhi maareeyuhu. Maareeyaha wakaalada korantada caasimada Hargeysa Axmed Yaasiin,isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ,?Waxan keenay in magaalada qaybi shidnaato dhinacna bakhtiyo labada mashiin ee magaalada shida waxay ku kala xidhan yihiin labada daamood, waxaana ay ciladi ku timid mid ka mid ah, waanan ku rajo waynahay in aanu cilad saarno oo kicino, wiigaga soo socda in aanu dayactir guud ku sameyno injiinadda, injiinaddan oo aan in muddo ah aan la dayactirin dhaafayna saddex laab waqtigii la dayactiri lahaa.?

Waxa uu tilmaamay in miisaaniyada sanadkan 2014 ay ugu jirto saddex mashiin oo cusub oo ay hor taalo golaha wakiiladda, waxaana uu yidhi ?Waxaan idiin sheegaya in saddex mashiin oo cusub aanu ku darsanay miisaaniyadda oo ansixinteeda la sugayo waanan ku rajo waynahay in mashiino cusub aanu helno sanadkan ama dabayaaqadiisa. Waxaa kale oo uu mareeyuhu sheegay inay kulan la yeesheen shirkadaha ka shaqeeya laydhka oo ka socday dalalka Ingiriiska, Singapore, Jarmalka, taasi oo uu tilmaamay sidii ay uga taageeri lahaayeen tamarta qorraxda, waxaanu yidhi ?waxaan ka fikirnay in aanu wadanku ku sii socon Karin mashiino ku shaqeeya naafto, sababtoo ah naaftadu waa qaali, waxaana xooga saarnay in aanu raadsano kuwa solar power- ka tiraba saddex kambani oo kuwa laydhka oo kala ahaa Sangapore, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaan la kulanay, wada hadalo fiican ayaa noo socda, waxaana rajaynayaa in aan wadanka keeno laydh jaban oo solar power- ku shaqeeya, maadaama Hargeysa ka mid tahay magaalooyinka ugu dabaysha badan, warbixin la soo saarayna waxay sheegtay in Hargeysa ka mid tahay magaalooyinka ugu dabaysha badan, markaa anagoo dabayshaa iyo cadceeda ka faa?iidaysanaya waxaan jecelnahay in sanadka soo socda ay dadku helaan laydh jaban.? Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu wax ka qabtay cabashooyinkii dadku ka muujin jireen shaqaalaha warshada laydhka, waxaana uu yidhi ?waxani waa wax dadku leeyihiin anagana waa amaano naloo dhiibay, waxaana naloogu dhiibtay in aan hagaajino waxyaalihii ugu horeeyay ee aan wax ka qabtay waxay ahayd shaqaalaha agaasimayaal cusub ayaan samaynay tababaro ayaan siinay, cabashadii dadweynuhu way yaraatay dadkuna si toosa ayay iila soo xidhiidhaan.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS