|
|||||
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Wakaalada Korontada Hargeysa Oo Ka Hadlay Asbaabaha Keenay In Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Dabku Ka Bakhtiyo
October 13, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa -(Wajaale News) – Mareeyaha Wakaalada korontada ee caasimada Hargeysa Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay dabka oo labadii habeen ee u danbeeyay ka bakhtiisnaa qaybo ka mid ah Hargeysa, taas oo ay qaar ka tirsan warvbaahintu baahiyeen in masuuliyiinta Korantadu afka ka xidheen, ayaa Maareeyaha wakaalada oo uga xogwaramay shalay Haatuf waxa uu sheegay in ay cillad farsamo ku timid mid ka mid ah Mishiinada u qaybiya dabka degmooyinka Caasimada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay ku hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen mishiinkaasi, isla markaana u soo celin lahaayeen dabkii qaybahaasi helayeen. Maareeyuhu isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi Waxa uu tilmaamay in miisaaniyada sanadkan 2014 ay ugu jirto saddex mashiin oo cusub oo ay hor taalo golaha wakiiladda, waxaana uu yidhi ?Waxaan idiin sheegaya in saddex mashiin oo cusub aanu ku darsanay miisaaniyadda oo ansixinteeda la sugayo waanan ku rajo waynahay in mashiino cusub aanu helno sanadkan ama dabayaaqadiisa. Waxaa kale oo uu mareeyuhu sheegay inay kulan la yeesheen shirkadaha ka shaqeeya laydhka oo ka socday dalalka Ingiriiska, Singapore, Jarmalka, taasi oo uu tilmaamay sidii ay uga taageeri lahaayeen tamarta qorraxda, waxaanu yidhi ?waxaan ka fikirnay in aanu wadanku ku sii socon Karin mashiino ku shaqeeya naafto, sababtoo ah naaftadu waa qaali, waxaana xooga saarnay in aanu raadsano kuwa solar power- ka tiraba saddex kambani oo kuwa laydhka oo kala ahaa Sangapore, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaan la kulanay, wada hadalo fiican ayaa noo socda, waxaana rajaynayaa in aan wadanka keeno laydh jaban oo solar power- ku shaqeeya, maadaama Hargeysa ka mid tahay magaalooyinka ugu dabaysha badan, warbixin la soo saarayna waxay sheegtay in Hargeysa ka mid tahay magaalooyinka ugu dabaysha badan, markaa anagoo dabayshaa iyo cadceeda ka faa?iidaysanaya waxaan jecelnahay in sanadka soo socda ay dadku helaan laydh jaban.? Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu wax ka qabtay cabashooyinkii dadku ka muujin jireen shaqaalaha warshada laydhka, waxaana uu yidhi ?waxani waa wax dadku leeyihiin anagana waa amaano naloo dhiibay, waxaana naloogu dhiibtay in aan hagaajino waxyaalihii ugu horeeyay ee aan wax ka qabtay waxay ahayd shaqaalaha agaasimayaal cusub ayaan samaynay tababaro ayaan siinay, cabashadii dadweynuhu way yaraatay dadkuna si toosa ayay iila soo xidhiidhaan. Wajaale News Related posts:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Kulan La Yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose Ee Gobolka Maroodi... Hogaanka Xisbiga Waddan Oo Hadhimo Shafareed Ku Maamuusay Madaxdhaqameedka, Waxgaradka Iyo Dhalinyar... “Imika Waxaynu Ka Dhamaan Laanahay Hebel Waa La Xidhay Iyo Hebel Waa La Soo Daayey, Sharciyad Iyo Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|