Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Oo Shaqadii Ka joojiyay Hal Abuurka Da`da yare Oo Ka tirsan Wasaarada Warfaafinta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Oo Shaqadii Ka joojiyay Hal Abuurka Da`da yare Oo Ka tirsan Wasaarada Warfaafinta.
October 29, 2013 - Written by editor

Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Oo Shaqadii Ka joojiyay Hal Abuurka Da`da yare Oo Ka tirsan Wasaarada Warfaafinta.

 

Hargaysa(WJN)Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa shaqadii ka joojiyay Hal Abuurka Da`da yare ee  Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) ka dib markii uu curiyey maanso anay jeclaysan dhegaha xukuumadda somaliland iyo wasaarada warfaafinta ee uu ka tirsanyahay.

Maansadan oo uu abwaanku si aad ah shacabka ugu iftiiminayay gal-dalooloyinka iyo xaaladaha guud ee dalku hada marayo.

Hoose Ka Akhriso Maansada.

Xilka Gudashadiisi.
Qofba Dayac xagiisi
danta guudna laga xiiq
ta gaarka u xoogsade
Dulmiguna Xor siinoqay
Dhar xariira loogali

Xurmo

Beenta Lagu soor
Runna Xerada loodiid
Xeerkiyo Dastuurkii
Ayagana Laxa xabawari
digo xaadh lasiimari
hadii uu xumaanjiray
masuul qaranka xadaya

xaaji weeye maantoo
waana lagu Xurmeeyaa
qarankii xarbaa galay
hadba waxa na Xiijoo
dadwaynaha xaqoodiyo
Danta Guud U xaadira
Xisbigaan xilnoohayn

waaba xaajo yaablee
kolkay xoolosiintiyo
dadku xoog ku biirshan
Xukunkana udhiibtaan
Xiligaa Wixii xiga
Umad kala xiir go,e
waanay kala xanaaqaan
Xubnihii ay doorteen
Xanta suuqa taaliyo
Xogta waxay idhaahdan
kii horaaba xaashee
Xaab Xaab katagayee

Danyar xeedhadeedii
Mid xantoobsada yimi
qaranki xarbaa galay
xaajo maaha ugubee
Xaraf Suxufigii qora
Xeer ilaalin lodoon
lagaqaad Xoiyadee
cadligi xaguumaray
dadka lagu xodxodan jiray
Dad Xabuuba Inayiin
oon wali xisaabtamin
Xisku inu kamqanyahay
Shacabkaygi loo xilan
Midkalay Xamaashaan
isna Xeelad so dagay

suudh xidhan amaana
Go,day xaawalaydiye
Dahabkay xaraashaan
Xaal siyaasi weeye
Xero uu samaystaa
Danyar lagu xareeya
Xurmo badan lasiiyaay

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS