Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Qayliyey Weeraro Qaraxyo Ah Oo Ay Al-shabaab U Soo Maleegayso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Qayliyey Weeraro Qaraxyo Ah Oo Ay Al-shabaab U Soo Maleegayso.
October 16, 2013 - Written by Wariye:

wasirka amniga putlandGarowe(Wajaale News)- Wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal ay Al-shabaab ku doonayso inay weerarro kaga geysato deegaannada maamulka Puntland.

Khaliif Ciise oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dhawaanahan shirar ku lahaayeen magaalada Baraawe, halkaasoo ay ka maleegayeen qorshayaasha argagaxiso ee ay doonayaan inay ka geystaan Puntland,maamulkiisa.

“Dhawaanahan magaalada Baraawe waxaa ku shirayay qoladii sharta waday, waxayna doonayaan inay qaraxyo ka geysataan Puntland, gaar ahaan meelo ay ka mid tahay Garoowe,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu shacabka Puntland ku boorriyay inay ciidamada amniga lasoo socodsiiyaan cid walba oo ay u arkaan inay qorsheynayso inay ka geysto deegaannadooda falal ammaan-darro iyo qaraxyo.

“Waxaa jira xogo aan helayno oo sheegaya inay Puntland kusoo wajahan yihiin xoogag Al-shabaab ka tirsan ay dhibaato uga geystaan iyo kuwo kale oo aan ku daba-jirnay, waxaana Alle weydiisanaynaa inuu na waafajiyo sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn,” ayuu yidhi wasiirka amniga Puntland.

Al-shabaab ayaa waxay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin deegaanno ka tirsan Puntland halkaasoo ay ka abaabulaan weerarro ka dhan ah ciidamada kala duwan ee Puntland, inkastoo wasiirku uu sheegay in degmada Baraawe laga soo abaabulay weerarrada uu sheegay inay Al-shabaab doonayso inay ka geysato deegaannadooda.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinac Al-shabaab oo sheegaya inay qorshayaal ka dhan ah Puntland maleegayaan, waxaana hadalka wasiirka uu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay dhawaan sheegtay sheegtay inay sare u qaadayso dagaallada ay ku jirto.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS