Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland Oo Booqasho Ku Yimid Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland Oo Booqasho Ku Yimid Boorama
October 27, 2013 - Written by Wariye:

booramaBoorame (Wajaale News)- Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Mudane Aadan Axmed Muuse ayaa maanta booqasho ku yimid Boorama, waxana uu markii uu Boorama soo gaadhay kormeero ku sameeyay xarumaha Booliska, jeelka dhexe iyo Maxkamadaha gobolka iyo degmada, waxana ku wehelinayay safarkiisan masuuliyiinta garsoorka iyo talisyada ciidanka asluubta iyo Booliska ee gobolka.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Mudane Aadan Axmed Warsame ayaa ka waramay ujeedada safarkiisa waxana uu yidhi “Waxa aan u socdaa inaan soo arko xaalada jeelasha iyo maxaabiista ee gobolka Awdal, waxa aan si gaar ah u soo marayaa jeelka dhexe, waxa aan u kuur gali doonaa siyaabaha ay maxaabiistu u xidhan tahay, waxana aan la kulmi doonaa madaxda booliska iyo bahda garsoorka waxana aan kala arinsan doonaa sidii shaqada cadaalada iyo garsoorka loo dadajin lahaa loogana dhigi lahaa mid turxaan baxsan”

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud waxa uu soo maray jeelka dhexe, waxana uu warbixin ka dhagaysatay taliyaha xabsiga dhexe ee Boorama Kantan Siciid Caynaan waxana uu yidhi “Waad u jeedaa jeelka waxa dhib xoogan ku haya dhul gariir dildilaac badan u gaystay darbiyadii jeelka, waxa suura gal ah inaan jeelka lagu sii jiri karin mudo hadii aanan gacanta lagu hayn oo aanan la dayac tiring, waxa kale oo noogu daran dawada maxaabiistu u baahan yahay, gudaha jeelku ma wayna, maxaabiista ku xidhana way badan tahay, taasina waa caqabad kale oo haysata jeelkan loona baahan yahay in xal loo helo”

Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranku waxa uu la kulamay bahda garsoorka waxana uu u sheegay waxii uu soo arkay isaga oo si gaar ah uga shanqadhiyay xaalada maxaabiista ku xidhan jeelka waxana uu yidhi “Jeelka waan soo arkay oo aad ayuu u yar yahay, waxana ku jira 221 maxbuus oo siyaabo kala duduwan loo soo xidh-xidhay, waxase yaab leh, 100 maxbuus oo ka mid ahi waa gar sugayaal, waxana ay u badan yihiin kiisaskaasi kuwo u yaala maxkamada gobolka, waxana aan ka codsanayaa inay dadajiyaan hawlahaasi si loo sugo cadaalada iyo garsoorka”

Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka ee gobolka Awdal Mudane Axmed Cabdilaahi Qaadi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ugu badan ee dhibtu naga haysataa waa gaadiid la’aan, bahda garsoorka oo isku dhan ma haysataan baabuur ay ku qaadaan maxaabiista oo qaybsanta, hadii magaalada uu ka jiro hawlgal ciidan ma furmi karto maxkamadu sababta oo ah waa baabuur la’aan, sidaasi aawadeed caqabadaas waa mida sababtay in dad badan oo garsoor sugeyaal ahi ay isku ururaan ee waxaan idinka codsanaynaa inaad wax ka qabataan”

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Awdal Mudane Cabdiraxmaan Geedi Bare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka dayriyay xaalada agabka ay ku shaqeeyaan garsoorayaasha maxkamadaha kala sareeya ee gobolku waxana uu yidhi “Hoolkan ayaa naga dhexeeya, hadii maxkamada rafcaanu fariisato, inta kale faylasha dacwadaha dibada ayay ku sugtaa , waa dhib kale oo na haysata oo sababta in kiisasku is gaadhaan, waxa aan codsanaynaa in dhismayaasha garsoorka la balaadhiyo, sidoo kalena agabkii xafiisyadu lahaayeen loo dhamaystiro si ay hawsha garsoorku u noqoto mid turxaan la”

Xeer Ilaaliyaha Gobolka Awdal Cabdilaahi Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu xusay in gobolku uu yahay mid “Gobolkani waa laba gobol oo isa saaran, waxa yaab leh anaga oo aanan haysan gaadiid iyo meel lagu xidho maxaabiis in la yidhaa SALAL taga oo maxaabiis ku xoo xukuma, ma la nasoo dul dhigo maxaabiis badan oo SALAL laga keenay, taasina waa mid aanan macquul ahayn, sidaas aawadeed waxa aan kuu sheegayaa mudane Xeer Ilaaliye in aanan la sugi karin cadaalada la filayo in laga hirgaliyo gobol kale hadii aanan la dhamaystirin agabkaasi kala duwan”

Si kastaba ha ahaatee, safarkan xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee Somaliland uu ku soo maray Boorama ayaa waxa uu indhaha ku soo saaray xaalkada adag iyo duruufaha qalafsan eek u gadaaman shaqada garsoorka, sidaas oo ay tahayna wax walba waxa ay noqon doonaan kuwo ku xidhan sida uu ugu hawl galo masuulkani gufaynta qabyooyinkaasi loo tilmaamay ama uu soo arkay.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS