Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Balaadhan Ku soo dhaweysay arday Cusub oo ku Soo biiiray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Balaadhan Ku soo dhaweysay arday Cusub oo ku Soo biiiray
October 28, 2013 - Written by Editor:
Hargeysa: Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Balaadhan Ku soo dhaweysay arday
Cusub oo ku Soo biiray + SAWIRRO

Hargeysa(wajaalenews), () — Jaamacadda ADMAS faraceeda Somaliland ayaa maanta
Munaasibada balaadhan oo soo dhawayn ah u samaysay 1188 arday  oo
kusoo biiray Jaamcadaasi.
Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay
Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay maamulka
sare, Macalimiinta iyo qaar ka mida waalidiinta ardaydaasi cusub.
Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayd in ardayda cusub lagu war galiyo
nidaamka iyo shuruucda jaamacadda Admas ay leedahay, ayaa waxa ka
hadlay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacaddaasi.
Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan Cumar ismaaciil oo ugu horeyn ka
hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inuu hambalyeynayo ardayda cusub
siday iskaga xilsaareen inay Jaamacada bilaabaan, Waxaa uu Md Ixsaan
ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee Jaamacaddu soo martay, waxana
uu ku dheeraaday, Aqoonta iyo Waliba qaybaha kala duwan ee ay Bixiso
jaamacaddu.
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Xuseen C/laahi Maxamud oo isna
munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay xilka cusub ee fuulay ardaya
cusub waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu idinkala hadlaynaa arday ahaan
xaqa aad leedahiin iyo waajibka idin saaran, iyo sharciga idin
xidhaya, maanta laga bilaabana waxaad tihiin xubin ka mida Admas,
wanaagga jaamacadu waa wanaagiina, xumaanteeduna waa xumaantiina,
waana inaad ka arday ahaan ka qayb qaadataan kor u qaadida  Jaamacada,
maanta waxaad soo doorateen Doorsahadii saxda ahayd, waan inaad
ilaashataan,.”
“ Jaamacan Admas 20/09/2006-dii ayaa la aasaasay, waxana ka
qalinjabiyey shan dufcadood, oo maanta marka la eego qaababka deeqaha
warbarasho kaalinta koowaad ka qaatay, haday noqdaan aradyii tagay
Turkiga iyo Itoobiya, dalka gudihiisana ardaydii way shaqeeyaan intii
dadaashay badidoodu, waayo wadanka shaqo way taalaa, taasi waxay ku
tusaysaa mustaqbal wanaagsan, waxaad Admas  doorateen doorashadii
saxda ahayd.” Ayuu yidhi Xuseen.
Gudoomiyaha Guddida sare ahna Aaas-aasaha Jaamacada Axmed Daahir
Maxamed (Cadnaan)  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa
hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada
Jaamacada Admas, aad ayaad ugu mahad san tihiin inaad jaamacadan soo
doorataan, inkastoo wakhtigan Jaamacadihii yara bateen ardaydiina ay
ku yara dawakhday teebaa wanaagsan, hada intiina warbaahinta la
socotaa tartan ay qabatay dawlada Turkigu ayaa lagu kala reebay
jaamacadaha  Somaliland oo dhan, tartankaas Istanbul ayuu ka dhacay,
Jaamacadaha oo dhan waxaa la yidhi  qaar 300 ayaa ugu qayb galay kuwo
200, qaarna 100, Admas kuwaas ayay ka mid ahayd, Jaamacada Admas
ayaana tartankaasi hormood ka noqotay, oo waxanu galnay kaalinta,
1-aad, 2-aad, 3-aad, ilaa Todobaad, taasi maaha wax aaanu iska
faaninayno ee waa wax aanu shaqaysanay, waana wax ay soo saareen
macalimiinta aqoonta leh ee halkaas fadhidaaa, markaas idinku
kaalmahaas oo kale ayaad gali doontaan.
Madaxa Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy ayaa isaguna
soo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dardaaray inay ardaydaasi ay
muujiyaan dedaal iyo karti.
Axmed-Naasir Xasan oo ah Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS ayaa
isaguna si weyn u soo dhawaayey ardadyaasi cusub.
Ardaydani ayaa  gaadhaya 1188 ee arday ayaa wax ka baran doonaa
Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Admas oo kale Ah: ICT, Economics,
Management, Accounting, Development Studies, Political Science,
engineering, Sociology and social Work.

10 attachments — Download all attachments   View all images   Share all images
DSC01486.jpg DSC01486.jpg
127K   View   Share   Download
DSC01496.jpg DSC01496.jpg
117K   View   Share   Download
DSC01506.jpg DSC01506.jpg
117K   View   Share   Download
DSC01518.jpg DSC01518.jpg
103K   View   Share   Download
DSC01527.jpg DSC01527.jpg
125K   View   Share   Download
DSC01532.jpg DSC01532.jpg
109K   View   Share   Download
DSC01537.jpg DSC01537.jpg
79K   View   Share   Download
DSC01529.jpg DSC01529.jpg
127K   View   Share   Download
DSC01543.jpg DSC01543.jpg
104K   View   Share   Download
ADMAS WAR.docx ADMAS WAR.docx
18K
COMMENTS
LINKS