Jaamacada ADMAS Oo Imtixaan ka Qaaday In ka Badan 1357 Arday Oo Cusub Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacada ADMAS Oo Imtixaan ka Qaaday In ka Badan 1357 Arday Oo Cusub Daawo Sawiro
October 26, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News)-Jaamacada ADMAS faraceeda Somaliland ayaa maanta si rasmiya Imixaan ugu qaaday Tiradii arday ugu badnayd ee soo codsata inay wax ka bartaan Jaamcadaasi.
DSC01435
Ardaydani oo gaadhaysay 1357 arday ayaa maanta Imixaankii qiimaynta ahaa u fadhiisatay, iyagoo ahaa ardaydii ka soo baxday dugsiydada sare ee dalka, kana soo gudbay Imxtixaankii Sahaadiga ah ee GCSE Somaliland.
Ardayda maanta Imxitaanka u fadhiisatay ayaa laga qaadayey Labada maado oo kala ah Xisaab iyo English sida uu saxaafadda u sheegay Axmed-Naasir Xasan oo ah ku xigeenka Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS.
DSC01441
Ardaydani ayaa marka lagu kala saaro Imixaankaasi inta soo baxdaa ay si rasmiya waxbarashadooda ugu bilaaban doonaa Labada qaybood ee Jaamacada Admas ay ku leedahay magaalada Hargeysa, qaybteeda ku taala xaafada Maxamed Mooge iyo xarunta dhaxe oo ku taala xaafada Jigjiga yar.

DSC01443

Ardaydani ayaa inta imtixiaankan qiimanta ah ka soo gudubtaa Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Admas oo kale Ah, ICT, Economics, Management, Accounting, Devilment Studies, Agriculture iyo Political Sciece . Sociology and social Work.
DSC01445
Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy isaguna soo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dardaarmay inay ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti.

DSC01458

DSC01473

COMMENTS
LINKS