Jaaliyada Somaliland Ee Germany Oo Waraaq Furan Udiray Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha Booliska Qaranka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Somaliland Ee Germany Oo Waraaq Furan Udiray Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha Booliska Qaranka Somaliland
October 29, 2013 - Written by Wariye:

jaaliyada reer somalilandGermany(Wajaale News)-Waxa aan Marka Hore Halkan ka salaamayaa Shacabka reer Somaliland Gude iyo dibad ba waxaa Baryahan danbe soo noq noqonaysa gacan ka hadal joogta ah oo ay booliska Qaranku ku hayaan muwaadiniinta somaliland iyaga oo aan u aabe yeelayn oo gaadhsiinaya dhaawac,iyo cago juglayn joogta ah,shacabka somaliland waa dad akhlaaq wanaagsan oo wixii loo sheegaba qaadanaya,waxaa sanad kasta Somaliland usoo xagaa baxa shacab aad u fara badan oo aan u dhalan somaliland,marka ay qurbaha dib ugu soo laabtaan waxa ay ka waramaan wixii ay somaliland ku soo arkeen aad bay u amaanaan guud ahaan wadanka,laakiin waxa ay aad uga cawdaan Booliska somaliland oo gawaadhida ay wataan dadkaa martida inoo ah markasta si macno laaan ah ay is kaga joojiyaan,ku bilaaba hanjabaad,si ixtiraam la aanana ula hadla inta badan,waxaan Taliyaha Ciidanka Booliska qaranka ka codsanayaa inuu Caasimada ka badalo booliskan hada ku sugan,oo dhalinyaradan wax baratay ee hada Jaamacadaha kasoo qalin jabiyay tobobor fiican loo sameeyo,laguna badalo kuwan dadka dhibaatada ku hayana la geeyo meelaha gaadhka oo kaliya ah,ilaa hada lama hayo nin kaliya oo Boolisa oo loo ciqaabay dhib uu u gaystay muwaadin somalilander ah,arimahan soo noq noqonayaa maaha mid loo dul qaadan karayo waa in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabtaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Waxa aan leeyahay waxaa Baryahan danbe Kasoo Burqanaya Salaadiin Kasoo Jeeda Gobolka Awdal Hadalo Aad iyo Aad u dhaawacaya Qaranimada Somaliland sida (jabhad Ayaanu Samaysanaynaa) iyo (Hubaanu Soo iib sanaynaa aanu ku Dagaalano) Suldaanka waxaa la gud boon inuu xaqdhawro shacabka Somaliland,maanta uma baahnin kicin iyo inaynu shacabkeena walaalaha durbaanada iskugu garaacno,suldaan kastaa waa inuu ilaaliyaa qaranimada somaliland wasiirka arimaha gudaha waxaa la gudboon inuu wax ka qabto cid kasta oo xuduudkeeda soo dhaafta waxa aynu ku kala soconaa xeerkaa iyo dastuurka aynu samaysanay,waxaa Muwaadin kastana la gudboon inuu nabad galyada ilaaliyo.waxaan hadal kayga ku soo gaba gabaynayaa webside yada Somalilandna inay iska ilaa liyaan inay qoraan wax kasta oo shacabkeena sii kala fogaynaya.Muwaadin kasta oo wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku soo biiriya wax fiican oo ku dayasho leh,Abaal wayn baanu kuu haynaa,waligaa intaad nooshahayna waa lagu Amaani Doonaa.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS