|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo ka hadashay mawqifkooda taageerada caalamka ee Somaliland iyo wadahadallada ay la wadaagaan Somalia.
October 23, 2013 - Written by editorAdis Ababa-(WJN)- Xukuumadda Itoobiya ayaa caddaysay inay u ololayso kuna qanciso beesha caalamka in si nabadgelyo ah lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya, kana digtay dad Eretariya soo tabobartay.
Adis Ababa-(WJN)- Xukuumadda Itoobiya ayaa caddaysay inay u ololayso kuna qanciso beesha caalamka in si nabadgelyo ah lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya, kana digtay dad Eretariya soo tabobartay. Qoraal ka soo baxay Safaarada Itoobiya ee Somaliland oo Wargeyska Ogaal heleen ayaa lagu sheegay in wada-xaajoodkii wefdiga ka socday dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland ahaa iskaashigooda mustaqbalka oo arrimaha amaanku ugu mudan yihiin. Isla markaana Itoobiya waxay sheegtay in talaabadii beesha caalamku ku gaadhay magaalada Brussels ee dalka Biljimka ay waddada u xaadhayso taageeradooda qorshaha horumarineed ee Somaliland, ka dib markii sanduuq gaar ah ay dalalka Ingiriiska iyo Denmark dhaqaale ugu shubeen. Wada-xaajoodka ayaa lagu sheegay qoraalkan safaarada inuu qayb ka ahaa heshiiskii ay wada gaadheen xukuumada Itoobiya iyo Somaliland, kana wadahadleen is-dhaafsiga dembiilayaasha labada dhinac iyo balaadhinta xidhiidhka ganacsiga. Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in weftigii Itoobiyaanka ahaa sharraxeen, kana digeen dad dhinaca Eretariya ka iman kara iyo inay jiraan macluumaad sugan oo ku saabsan dad ay soo tabobareen oo ay soo geliyaan Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasoo hadafkoodu yahay sidii ay ugu tallaabi lahaayeen Itoobiya oo ay khalkhal ka abuuraan. “Weftigu waxay sharraxeen suurtagalnimada caddaymo lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha sii-waditaanka Erretariya ee maleegista qorshayaal Itoobiya lagaga soo horjeedo.” Ayaa ka mid ahaa qoraalka ka soo baxay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa. Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brigadier General Berhe Tesfay ayaa u sharraxay wefdigii dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada amaanka, kaabayaasha, ganacsiga, maalgashiga iyo weliba arrimaha siyaasada iyo arrimaha bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka, sidoo kalena waxa uu sheegay inay Itoobiya diyaar u tahay inay u bedesho xidhiidhkaa iskaashi mid wadaag ah.
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|