Iibka Xoolaha Sayladda Burco Oo Uu Gabi-ahaanba Joojiyay Xeerkii Cashuur-kordhinta Ee Xukuumadu Tuurta Ku Sidatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iibka Xoolaha Sayladda Burco Oo Uu Gabi-ahaanba Joojiyay Xeerkii Cashuur-kordhinta Ee Xukuumadu Tuurta Ku Sidatay.
October 14, 2013 - Written by Wariye:

saylada burcoBurco (Wajaale News) Iiibka Xoolaha Nool Ee Sayladda xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa istaagay todobaadadii u danbeeyay xili aynu ku jiro Ciidka Carafo oo Xajka loo dhoofiyo Xoolaha.

Istaaga Iibka Xoolaha Sayladda Burco ayaa ka danbeeyay sida ay dad xogogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakadda Hadhwanaagnews xeerkii cashuur kordhinta ee Madaxtooyadu wadatay ,ee ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanku iyo Madaxweynuhu.

Sidoo kale xeerkan oo ay bulshadda Somaliland Gaadiidlayda iyo Ganacsatadda Xoolahu ka qayliyeen ayaa galaaftay sida cadaatay Xoolihii Sayladda Burco la keeni jiray iyo dhaq-dhaqaaqii Ganacsiga Burco ,waxaana aad sawirkan ku arkaysaa sayladda oo haawanaysa isla markaa Adhigii Ahminka ahaa ee la dhoofin jiray laga waayay marka laga tago Daabaxa

Hudheeladda Burco Qalaan.

Sayladda Xoolaha Sayladda Burco oo xiligan Carafo xawaari Xooluhu ku socon jireen sida aynu baranay ayaa ka iman jiray dalala kala duwan oo ay ka midyihiin Kililka Shanaad ee Somalida Itoobiya ,Goboladda Dhexe ee Konfurta Somaliya iyo Puntland .

Ganacsatadda Xoolaha keeni jiray Sayladda Burco oo ay Shirkadaha Al Jaabiri iyo Jeeblayaashu ka iibsan jireen ayaa guud?ahaan markii ay xeerkan cashuurtiisa xad-dhaafka ah iyo Lacagaha Wado Marista diideen ka baydhay Sayladda isla markaana sida ay wararku sheegayaan u weecday dhinaca Sayladaha Muqdisho iyo Boosaaso .

Geesta kale Shirkadda Al-Jaabiri ayaa sida la sheegay dhintay xadigii Xoolaha ee ay ka iibsan jirtay Sayladda Caalamiga ah ee magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ka dib markii ay u adkaysan-wayday Cashuuraha waalida ah ee Xukuumadu Xoolaha dusha kaga keentay iyo waliba shicibka danyarta ,halkii ay Xoolaha iibkooda ka dhiirigalin lahayd.

Si kastaba Ha Ahaatee waxa xusid mudan Hoos-u-dhacan Iibka Xoolaha Sayladda Burco ku yimi ayaa saamayn balaadhan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga Suuqyadda Burco iyo waliba shaqaalihii Sayladda usoo foof-tagi jiray ,waxaana durba soo ifbaxday oo shacabka gobolka Togdheer ogaadeen xeerkan cashuur kordhinta ee Xukuumadu wadatay in dhaq-dhaqaaqa Xoolaha iyo Gancasiga goboladda bari lagu curyaaminaayay ,waxaana taasi ka daran cashuuraha Wado Marista oo Samaale Laban-laabay isla markaana Talaabo Talaabo loogu qaadaayo Kaantarooladda Togdheer ,Sool ,Saraar iyo Sanaag ,taasi qaylo dhaan laga bixiyay

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS