Hargeysa: Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada Oo Dariiqyada Cashuurihii Ku Uruursanaaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada Oo Dariiqyada Cashuurihii Ku Uruursanaaya
October 24, 2013 - Written by Wariye:

masuuliyiinta maaliyadaHargeysa (Wajaale News) Wasiiru dawlwaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada Somaliland ayaa si ka baxsan nidaamka cashuur uruurinta uga bilaabay olole magaalada Hargeysa, taas oo ay khaatiyaan ka istaageen wadayaasha baabuurta iyo dadweynaha raaca basaska.

Wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyada iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradda maaliyada ayaa u soo ban baxay sidii loo soo uruurin lahaa cashuuraha gaadiidka, taas oo awal hore ay maasuul ka ahayd waaxad cashuuraha bariga iyo wado maristu.

Ilaa had ama cada sababta keentay in wasiiru dawlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaraddu maaliyadu baabuurta u istaagaan wadooyinka oo ka ururiyaan cashuuraha iyo waliba waydiinta cashuurta.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa is waydiinaya sababta keentay arrinta, halak dad qaar ay qabaan in la aamini waayey waaxadii cashuuraha ee qaabilsanayd wado marista.

Sawirka aad hada arkaysaan waa agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada iyo wasiiru dawlaha oo bas ka mida gaadiidka magaalada Hargeysa waydiinaya inuu bixiyey iyo in kale cashuurtii wado marista.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS