WAJAALE NEWS
HALAQ BAA KU RAAD GADANAYA ARINTA XILDH QABILE
October 27, 2013 - Written by editor
HALAQ BAA KU RAAD GADANAYA ARINTA XILDH QABILE
Salaan dhamaan warbahinta Somaliland guud ahaanba.
Intaa ka dib waxaan manta jecelaystay ……..
By Maxamed Cabdi Cali
Salaan dhamaan warbahinta Somaliland guud ahaanba.
Intaa ka dib waxaan manta jecelaystay in an wax yar ka idhaah dhacdooyin ku cusub habdhaqanka Somaliland haday tahay dhanka siyaasada iyo dhinacyo kaleba, oo aynan hore u aqoon balse hada ay la soo baxday xukuumadan KULMIYE, taasi oo ah weerarka dilalka qorshaysan ee hada dadka lagula kaco waliba dadka birimagaydada ah, waxaan si gaar ah isku dultaagaya weraarkii lagu qaaday xildhibaan MAXAMED FAARAX QABILE kaasi oo ahaa isku day dil khaarajis ah balse Ilahay ka badbaadshay, waxaanu xildhibaanku sheegay in weerarkiisa ay ka danbeyeen nin wasiir ku xigeen ka ah wasaarada bilaa wasiirka ah CABDILAHI ABOKOR iyo Wasiirka warfaafinta CABDILAHI DAAHIR CAKUUSE oo markii hore ka mid ahaa wariyayaashi caanka ku ahaa dagaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sida aad ku arki karto muqaalo internet ka la soo galinayay bilihii u danbeyayba, taasi oo u dawladii MAXAMED X. CIGAAL ku tilmamayo tii siyaad bare oo kale xoogna dalka ku haysta walibana laga xorayn doono isaga iyo beesha u ka soo jeedaba waa sida muqaalka u ka hadlayo ka sheegaye. Waxaa hadaba layaab ku noqotay dad waynaha reer Saaxil in losoo dhex maray Wiil dhalinyaro ah oo siyaasada ku cusub isla markaana an la aqoon xilka dhabta ah ee u hayo, madaama wasarada u wasiir kuxigeenka kayahay anay jrinba, balse loo samaystay uun in u iska hor keeno dadka reer Saaxil ee wada dhashay balse dhibatada haysata ayaa ah waxaa u fulinayaa qorshe aanu fahan sanayn u jeedada laga leeyahay iyo cida soo diraysaa waxay uga jeedo, taasi o ah in u isku dhac dhinacyo badan ah la sameeyo waa ta kowaade waxaa la rabaa in Reer Saaxil dhexdooda isku dhacaan oo kala irdhobaan, talabaadna waa in beelaha kale ee walalaha ay yihiin isku dhacaan sida beesha CAKUUSE ka soo jeedo ee SALAXLEY oo xidhiidh qoto dheer u ka dhaxeeyo Reer Saaxil dhinacyo badana leh sida siyaasada oo ay xulufo ku yihiin iyo dhinacyo badan oo kale waana wax yabaha ugu waa wayn ee hada falalkan dabada ku hayaan sidii loo kala dililahaa, nasiib darose ma fahansana CABDILAHI ABOKOR waxaa u fulinayaa meesha u ka yimid iyo cida u u adeegayo iyo u jeedada laga leeyahay waxaanu fahansanayn in meel sare laga hagaayo cida ay samaynaysaana isaga tahay, balse nasiib dari rag ka awoodban oo ka siyaasisan ayaa rinta wata, isagana waa la sii dhex marayaa, si looga gaadho danta laga leeyahay hadhawna la tuuro, balse waxaa jira jilayaal (actors) badan oo kale oo reer saaxil ah daaha dabadiisa na ka hagaaya arintan inankan yarna ku guuraya siday jar ugaga talabsadaan, waxanse u sheegaynaa dhamaantoodba in ay candhuuf tooda dib u liqaan oo ay fashilantahay u jedooyinka guracan ee ay wateen, kana digtoon yihiin dhamaan dadka reer saaxil oo dhexdooda iyo dadka kale ee ay walalah yihiin midna an laga hor keeni Karin, waxan leeyahay ha ku soo lugo ina fudayd iyo seef la boodnimo midna naga heli maysaan an ficilo qaldan kaga jawaabno waxaad doonaysan lakiin sharci ga hortiisa ayaan ceebtina soo dhigaynaa. CAKUUSE na tisii ayaaba cuslayso oo hada ceebo badan ayaa dul hoganaya mana kula gal galan karo in u iska hor keeno reer Saaxil iyo Reer Salaxlay isaga oo cid kale u adeegaya lana soo marayo sidii biriijki.
Ugu danbayn waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Saaxil in ay deganaan badan mujiyaan siday hadaba u mujiyeen oo cidna anay wax delqaaf ah u gaysan, balse taa macneheedu maaha in an sharci la hor keenin cidi falalka ku kacday, waxanan diyaar u nahay in sharciga la mariyo dadka isku daygii dil kula kacay birimagaydadayada ciday doontoba ha ahaate, waxana loogu horaysinayaa kuwa reer saaxil ah ee danbiga galay intay donaanba ha ahaadeene, waa calooshoda u shaqaystayal la soo kiraystay oo an damiir lahayne walibana raba in dad kooda iska hor kenaan, mase gulaysanayaan. Halaq baa ku raad gadanaya mana dareensana.
By Maxamed Cabdi Cali
Hargeisa Somaliland
Related
COMMENTS
|
|