|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Hawlaha Xisbiga Ee Qaban Qabaada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Meeshana Ka Saaray Wax Khilaaf Ah Oo Ka Dhex Jira Xisbiga.
October 21, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay guddida loo magacaabay qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye oo al filayo inuu qabsoomo daba yaaqada sanadkana aynu ku jirno. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay si weyn u lafa gurayaan guddida loo xil saaray qaban qaabada shirweynaha xisbiga. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hada ay guddida fulintu wado doodooda ku saabsan guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi ?hore waxaanu u sheegnay In aanan ka hadlayn arimaha xisbiga sababta aanu taa u lahayn waxay ahayd anaga oo sugayna talaaboyinkii lagu diyaarinayey qaban qaabashada shirka xisbiga, talaaboyinkaasi meel fiican ayey marayaan xisbiganina waa mid balaadhan waxaana shirarkoodii ugu horeeyey iskugu yimid guddida fulinta ee xisbiga waxaana u socda doodoodii, falan qayntoodi aanu ku diyaarinaynay guddidii qaban qaabada ee aanu u xilsaaraynay qaban qaabinta ergooyinka shir weynaha,?ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye mujaahid Maxamed Kaahin Axmed Mujaahid Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?sida aynu ka war qabno xisbi aan gudihiisa dimuqraadiyad ka jirin debadiisana kama jirayso waxa lagama maarmaan ah in talaabooyinkaa laga wada tashado, waxa lagama maar maan ah in si qoto dheer looga wada baaraan dago waana in talooyin mug leh layska waydiiyo, kuwaas ayaana hada socda, waxaana jirta in labada maalmood ee soo socda aanu si dhakhso ah u sii dayno guddida qaban qaabada ee shirweynaha xisbiga.? Ugu danbayntiina waxa uu sheegay inaanu xisbiga Kulmiye ahayn garabyo is haya laakiin waxa uu sheegay inay ku kala duwanaan karaan afkaaraha laga dhiibanayo guddida loo xilsaaray qaban qabaada shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi ?xisbiga kulmiyena garabyo iska soo hor jeeda maaha laakiin xisbigani waa mid dimuqraadi ah waxaana suura gal inuu fikrado kala duwan qabi karo, marka la shirayana waxa layska soo hor dhigi karaa afkaaro kala duwan wax dib u dhigayaana ma jirtee waxaanu sugaynaa dhamaystirka hawlaha xisbiga, waxaanu galaynaa shir weyne xisbiganina waa xisbi balaadhan haddii shirweynaha la galayana waxa loo xil saarayaa guddi madax banaan oo ergooyinka ka soo xu Hargaysa Office Related posts:Maayir Ku Xigeenka Gabiley Iyo Xildhibaan C/samad Jamaado Oo Kormeer Indho-Indhay Ah Ku Tagay Degmad... DAAWO; Wasiirka Warfaafintu Saxaafadii Waxa Uu Ku Noqday Cudurka EBOLA Kale Wuuna Kala Fogeeyay. Gud... Daawo:Maamulka Iyo Bahda Caafimaadka ee Degmada Tog Wajaale Oo Gubay Qashinka Hadhaaga Xoolihii Ku L... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|