|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ucid oo daaha ka feyday in loo hanjabay iyo cidii u hanjabtayba, si mug weyn u canbaareeyay Shirqoolkii lala beegsadey xidlhibaan Qabiile
October 22, 2013 - Written by editorGudoomiyaha Ucid oo daaha ka feyday in loo hanjabay iyo cidii u hanjabtayba, si mug weyn u canbaareeyay Shirqoolkii lala beegsadey xidlhibaan Qabiile
Hargeysa-(Wajaale-news)-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa si mug weyn u canbaareeyay weerarki iyo shirqoolkii is-huwanaa ee lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ,kana mid ah Xildhibaanadii Xisbiga Ucid uga soo baxay Gobolka Saaxil. Gudoomiye Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xildhibaanka sadex xabadood ku riday Nin hubaysan oo la sheegay inuu yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland kaas oo aan ilaa hadda wax talaabo ahaanay ka qaadin Hayadaha Amniga Somaliland.
Gudoomiye Eng.Faysal Cali Waraabe wuxuu sidoo kale daaha ka feyday in isaga laftiisa loo hanjabay oo ay u hanjabeen xubno ka tirsan Qasriga Madaxtooyada Somaliland inkastoo aanu Faysal si toosa u carabaabin xubnahaasi kuway yihiin.
Geesta kale sida Wajaalenews hore u baahisey Siyaasiyiin mudakara oo aad ugu dhawdhaw Gudoomiyaha UCID Faysal Cali waraabe ayaa Wajaalenews u xaqiijiyey inuu dhanka Telefoonka hanjabaado is xigxiga u soo mariyey wiilka uu soddoga u yahay Madaxweyne Siilanyo ee Baashe Cawil X.Cumar moorgaan.
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO; Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Sheegay In Ay Dhulka Danta Guud ku Wareejinayaan Wasaaradaha ... Xildhibaan C/laahi Blacki Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Hambalyeey Safarkiisa Uu Ku Gaadhay Magaalad... DAAWO; Siyaasi Prof Buubaa Oo Ka Hadlay Dhuumaha Shidaal Ee Eritrea la Gaynayo Iyo Sida In Ay Be... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|