GUDIDA FULINTA EE XISBIGA KULMIYE OO SHIR AYKUGU YIMAADEN ANSIXIYAY TIRADA ERGADA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUDIDA FULINTA EE XISBIGA KULMIYE OO SHIR AYKUGU YIMAADEN ANSIXIYAY TIRADA ERGADA
October 28, 2013 - Written by Editor:

XISBIGA MIDNIMADA IYO

HORUMARINTA SOMALILAND   UNITY AND DEVELOPMENT

PARTY OF SOMALILAND

WARSIXAFADEED

Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wadahadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qaybgalay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf

 

COMMENTS
LINKS