Guddiga Komiishanka Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Ka Digay In Xayeysiis Loo Sameeyo Jaamacadaha Aan Diiwan Gashanayn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Komiishanka Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Ka Digay In Xayeysiis Loo Sameeyo Jaamacadaha Aan Diiwan Gashanayn
October 7, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Guddiga Komishinka Tacliinta sare ee Somaliland ayaa uga digay warbaahinta in ay xayeysiiyaan Jaamacado aan diiwaan gashanayn ama aan jirinba.

Sidoo kale waxa guddigu sheegeen in jaamacaddo aan diiwaan gashanayni ay sheegtaan waxyaabo aan jirin oo ay sheegtaan in ay dhigaan.
Qoraalkan ay warbaahinta ugu tallo-galeen oo guddigu soo saaray isla markaana uu ku saxeexnaa Xoghayaha fulinta komishanka tacliinta sare Xuseen Xasan Guulleed ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa beryahan dambe caado noqotay in Jaamacaddaha dalka badankoodu isku xayaysiiyaan warbaahinta noocyadooda kala duwan.Waxa komishanka qaranka ee Tacliinta sare aaminsan yahay in xayaysiis yadani ay yihiin kuwo aan loo baahnayn oo waalidka iyo ardayda lagu khaldayo. Xayaysiisyada waxa ku badan waxyaabo badan oo aan run ahayn, sida jaamacaddo aan jirinba, Somalilandna aan ka diwaanashanayn sida Somaliland University ama Mt Kenya University. Qaar ka mid ah jaamacaddaha ayaa iska sheegta maadado aanay dhigin fasaxna uga haysan komishanka qaranka ee Tacliinta sare.

Taasi waxa ay keentay in ardyda iyo waalidkood aanay helin warar sugan taasina ay keenayso in ay meel xun ku dhacan. Sidaasi darteed, waxa aanu warbaahinta, noocyadeed kala duwan ka codsanaynaa in aanay baahin xayaysiis jaamacadeed illaa ay jaamacaddu la timaado ogolaansho ay ka sidato komishanka qaranka ee Tacliinta sare. Tani waxa ay badbaado u tahay dhalinyarada waxbarashada jecel iyo waalidkooda”.
Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS