Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Heshiish Shirkad Turki ah Kula Wareegayso Dekedda Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Heshiish Shirkad Turki ah Kula Wareegayso Dekedda Muqdisho
October 29, 2013 - Written by Wariye:

somaliaMuqdisho (Wajaale News)-Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa fadhi aan caadi ahayn shalay ku ansixiyey heshiis shirkad laga leeyahay dalka Turkigu kula wareegayso maamulida iyo horumarinta dekedda magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay fadhigii wasiirradu ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Baddu 24 October 2013 heshiis dekedda Muqdisho la xidhiidhay ay la gashay shirkad Turki ah oo la yidhaah Al-bayrak, taasoo muddo 20 sanno ah maamuli doonto dekedda magaalada Muqdisho.

Kulanka golaha wasiirrada oo uu shirguddoominayay Ra,iisal-wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Sacaaid), waxa  ugu horeyntii diiradda lagu saaray kordhinta Miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014-ka, waxayna Golaha Wasiirradu fallanqeyn dheer kadib isla garteen in la kordhiyo Miisaaniyadda, maadaama la
filayo inay kordhaan waxqabadka hay?addaha dawladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyadoo dhowaan shirkii caalamiga ahaa ee Brussels oo loogu yaboohay Soomaaliya dhaqaale aad u badan oo lagu dhisayo dalka.

Sidoo kale, kulankan gaarka ah ayay Golaha Wasiiradu dood dheer kadib ay si buuxda u ansixiyeen heshiis dhex maray bishan October 24-keedii Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Al Bayrak, taasoo maamuli doonta muddo 20 sano ah howlaha dakadda, iyadoo shirkaddu ay dayactir, qalabeyn, iyo casriyeyn-ba ku sameyn doonto dakadda Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo shirka golaha kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in adeegyada ay dakaddu qabato, marka laga tago canshuuraha, ay ka soo xaroodaan lacag dhan $200,000 ilaa $300,000 (Labo boqol illaa saddex boqol oo kun), lana rajeynayo in marka ay shirkaddani la wareegto maamulka dakadda ay gaarsiin doonto 6.5 Milyan oo dollar, iyadoo muhimad gaar ah la siinayo in la kordhiyo dakhliga dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in golaha Wasiirradu ay tacsi u diray allaah u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Timacadde oo u geeriyooday dhaawacii dhowaan ay u geysteen kooxo dhagar qabayaal ah, waxayna tacsi u direen qoyska, qaraabada iyo bahda warfaafinta Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada noocan oo kale ah ee lagu weerarayo wariyayaasha Soomaaliyeed,? ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@mail.com

COMMENTS
LINKS