Golaha Wakiilada Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Police-ka Oo Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey, Loona Qaybiyey Xeerka Baanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Police-ka Oo Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey, Loona Qaybiyey Xeerka Baanka.
October 5, 2013 - Written by editor

Golaha Wakiilada Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Police-ka Oo Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey, Loona Qaybiyey Xeerka Baanka.

Hargeysa(WJN):-mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka Police-ka oo  wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameyeen.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa waxay mudanayaashu cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka Police-ka oo golahaasi hor yaalay in mudo ah halka  loo qaybiyey xeerka Baanka.

Fadhiga maanta

ee golaha wakiilaada Somaliland oo ay ka soo xaadireen 49 xildhibaan ayaa waxa xeerka Police-ka u codeeyey 35 mudane waxaana diiday 3 mudane halka ay ka aamuseen 10 mudane, gudoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale shir gudoonka golaha wakiiladu somaliland ayaa mudanayaasha ku war geliyey in 14 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ay soo gudbiyeen dalab la xidhiidha in xildhibaan kasta mushaharkiisa laga jaro $100 ay ugu tala galeen dhismaha wada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo  iyada oo xildhibaanada golaha wakiiladuna ay cod u qaadeen isla markaana ay ogolaadeen 33 mudane halka ay diideen 3 mudane waxaana ka aamusay 7 mudane gudoomiyuhun muu codayn.

Sidoo kale mudanayaasha golaha wakiilada ayaa waxa loo qaybiyey xeerka Baanka iyada oo xildhibaanadu  ay dood ka yeelan doonaan xeerka maalmaha soo socda.

WAJAALE NEWS DISK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS