G/Deegaanka Hargeysa Oo Sheegay Inay 35% Cashuurta Dhulka Ka Dhimayaan Dadweynaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
G/Deegaanka Hargeysa Oo Sheegay Inay 35% Cashuurta Dhulka Ka Dhimayaan Dadweynaha
October 12, 2013 - Written by Wariye:

waxarHargeysa (Wajaale News)-Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Waxar) oo ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, isla markaana ah guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golahaas ayaa ka warbixiyay dhaqaalaha dawladda hoose.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inay horumar ka sameeyeen dhinaca dhaqaalaha muddadii ay joogeen golaha cusubi, isagoo xusay inay sameeyeen daraasado ay ku ogaanayaan caqabadaha jira.

Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Waxar) sidoo kale waxa uu fariin u diray bulshada caasimadda. Waxaanu soo
hawlgalnay bishii koowaad ee sannadkan imika in muddo ah ayaa ka soo wareegtay guddi kastaana waxay ku jirtay sidii wixii qaladaad jiray wixii shuruuc ama nidaama ay ku hagi lahaayeen wixii hawlee loo baahan yahay, haddaba haddaan hoos ugu daadego guddida dhaqaalaha dhab ahaantii ummad kastaaba dhaqaalaha ay leedahay ayuu waxqabadkeedu ku xidhan yahay.? Ayuu yidhi xildhibaanku.

Waxaanu intaas ku daray, ?Waxaanu baryahanba wadnay daraasad ku sameyney inaanu ogaano meesha ay wax marayaan, markaanu guda-galnay daraasadan waxaa noo cadaatay wax mucjisa ah oo wax aad iyo aad loola yaabo waxaanu ogaanay in cashuurtii dawladda hoose ay xaq u lahayd dhawr meelood marka loo qaybiyo ay qaybi tahay qayb aan laba qaadin oo waligeed dawladda hoose aanay qaadin oo aanay dhaqaajin, dadweynuhuna aanay ogeyn in cashuurta noocaas ah lagu leeyahay. Waxa kale oo noo soo baxday inay jiraan inaan dawladda hoose kaba qaadin cashuur dadka degan daafaha magaalada aan cashuurba laga qaadin. Waxa kale oo noo sooo baxday in cashuuraha qaarkood dawladda dhexe ay qaadato waxyaabahaas oo ah kuwa sii badinaya qashinka, ka ugu badanina waa ka dhuxusha cashuurteedana waxa qaadata wasaaradda deegaanka.?

Waxa kale oo uu intaas ku daray xildhibaanku ?Waxaan dadka u sheegayaa in haddii muddada saddexda bilood ah ee loo qabtay ay cashuurta ku soo bixin waayaan cashuuraha lagu leeyahay in lagala noqonaayo dhulka ay degan yihiin hadday dawladdu siisay, haddii kalena taqsiir la saari doono, lana ganaaxi doono oo laga qaadi doono ganaax dhan 35%.? Xildhibaan Cismaan Waxar uu sheegay inay dadweynaha caasimadda u ballan-qaadayaan inay cashuur dhimis u samaynayaan, ?Waxaa aanu dadweynaha u ballan-qaadaynaa in 35% aanu qiima dhimis samaynaynaa xaga cashuurta dhulka, anagoo eegayna dhaqaalaha iyo haynta ummadda , waxaananu dadka dibaddaha ku maqan ee dhulka leh u sheegaynaa inay ka faa?iideystaan fursadan ciddii cashuurahan bixin waydana waxaanu ka qaadi doona 35% ganaax ah, hadday noqoto xaga dhismaha, waddooyinkana waxa aanu samayn doona kuwa qarni iyo in ka badanba lagu socon doono..

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS