Fannaanad Caan ka ah Maraykanka oo la Ogaaday inay Bilowday Barashada Qur?aanka iyo Xidhashada Xijaabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fannaanad Caan ka ah Maraykanka oo la Ogaaday inay Bilowday Barashada Qur?aanka iyo Xidhashada Xijaabka
October 7, 2013 - Written by Wariye:

maraykankaMaraykanka(Wajaale News)-Fannaanadda caanka ah ee heesaha Maraykanka iyo qoob-ka-ciyaarka aadka loogu yaqaan ee Madona, ayaa la ogaaday in toddobaadkan ay ku gudo jirtay barashada Quranka kariimka, kaasoo qayb ka ah dedaal ay ku damacsan tahay inay haweenka islaamka ah dugsiyo uga dhisto dalalkooda.
Waxaan dugsiyo u dhisayaa haweenka dunida islaamka ku nool, waxaanan bartaa Qur?aanka kariimka ah, waxaanan u
malaynayaa inay muhiim tahay barashada kutubta barakaysan,? ayey fannaanadan Maraykanka ah ku sheegtay waraysi ay siisay wargeyska Harper?s Bazaar oo Jimcihii toddobaadkan la daabacay.
Madona ayaa toddobaadii ugu dambeeyey mareegaha internetka lagu arkayey iyadoo xidhan niqaam iyo xijaab ku dhammaystiran jidhkeeda, sidoo kalena waxay ku qortay boggeeda Facebooka kelmadda ah ?Kacaanka jacaylku wuu ii sii socon doona insha Allah…
Fannaanadan ayaa la sheegay in ay diinta islamka u soo dhawaatay wixii ka dambeeyey markii xidhiidhka jacayl dhex maray xidiga fanka Algeria caanka ka ah ee Brahim Zaibat oo muslim ah.
Waxa sannadkii hore internetka lagu baahiyey sawirro Madona ay kula jirtay Zaibat iyadoo xidhan dhar asturan, isla markaana booqasho ku tegtay masaajid Turkiga ku yaal.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS