Fal-celinta Iyo Naqdiga Lifaaqa Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Xeerka Saxaafadda Iyo Warbaahinta (Xeer No.27/2004) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fal-celinta Iyo Naqdiga Lifaaqa Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Xeerka Saxaafadda Iyo Warbaahinta (Xeer No.27/2004)
October 31, 2013 - Written by Editor:

Guddidii Saxaafaddu U Saartay Ka Soo Talo Biixnta Lifaaqan Qabyada Ah:

  1. 1.   Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)
  2. 2.   Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)
  3. 3.   Saddaam Maxamed Axmed
  4. 4.   Barkhad Maxamuud Kaariye

 

 

Naqdiga Iyo Falanqaybta Xeerkan Waxa Soo Koobay Saxafiyiinta Kala Ah:

  1. 1.   Barkhad Maxamuud Kaariye
  2. 2.   Saddaam Maxamed Axmed
  3. 3.   Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
  4. 4.   Garyaqaan Muuse Yuusuf Muxumed (Muuse Case)

 

Waxaana Qoray: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

 

Hargeysa, Somaliland – October 27, 2013

Arar Kooban:

Kadib kulano is daba joog ah oo ay isugu yimaadeen inta badan masuuliyin ka kala socotay warbaahinta madaxa bannaan oo lagu niqaashayay “Wax ka badalka iyo kaabista Golaha wakiiladu ku soo sameeyey xeerkii saxaafadda Somaliland” oo warbaahinta laga talo galiyey in ay soo akhriyaan wixii dood iyo talo bixin ah ee ay ka qabaana ka soo dhiibtaan ayaanu isku daynay in aanu naqdi iyo fal-celin aad u xeel dheer ku soo samayno wax ka badalka iyo kaabista xeerka saxaafadda lagu sameeyey.

Kulamada ay saxaafadda madaxa banaani isugu timid oo lagu saaray gaddida naqdigan iyo fal-celintan soo samaysay ee magacyadoodu sare ku xusan yihiin waxa ay si mutadawacnimo ah isaga xil saareen in ay aad uga soo baarraan degaan hab dhugmo leh oo cilmiyaysana u soo niqaashaan wax ka badalka iyo kaabistan xeerkan lagu sameeyey, maadaama uu yahay xeerkii lagu dhiqi lahaa saxaafadda Somaliland amminta taagan iyo ta mustaqbalba. Muhiimadda ballaadhan ee uu xeerkani saxafiga iyo saxaafadda Somalilandba u leeyahay ayaa nagu khasbay in aanu ka baarraan degno si Fiirro lehna uga niqaashno, si looga gaashaanto hadba wixii dhib ah ee uu leeyahay laguna taageero wixii uu ku wanaagsan yahay (Rag Waa Arrin Keen Ama Aqbal Keen).

Isku day badan oo aanu wakhti ku galinay akhris iyo faham aanu ka qaadanay ayaa aakhirkii keentay in aanu halkan Masuuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan iyo guud ahaan suxufiyiinta Somaliland ugu soo bandhigno qoraal kooban oo aanu ka samaynay Fal-celinta iyo Naqdiga aanu u ban baxnay si aanu uga talo galino dhammaan daneeyayaasha (Stakeholders) uu khuseeyo xeerka Saxaafadda Somaliland.

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. 1.   Hordhac:

Waa Maxay Lifaaqa Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Xeerka Saxaafaddu?

-Waa Qabyo-qoraalka (Draft) wax ka badalka iyo kaabista xeerka Saxaafadda Somaliland oo ah xeerkii hore ee saxaafadda Somaliland ee Xeer Nambar 27/2004 (Somaliland Press Law No. 27/2004), waxaana wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyey Guddi-Hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland.

-Qabyo Qoraalka ahi waxa uu ka kooban yahay Toddoba Qaybkood oo ka kooban 45 Qodob oo qodobkiiba farqado u kala baxayo, halka xeerkii hore ee wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey ka koobnaa 32 Qodob oo kali ah.

Gole Warbaahineed uu xeerkani Aasaasayaa awoodihiisu waxa ay meesha ka saarayaan jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanayd (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada lahaa (Public Media) waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin Qaran (State Media).

– Xeerkan Qabyo-qoraalka ahi ma kala saarayo noocyadii saxaafadda waxaanu si duuduub ah saxaafadda ula baxay Magaca (Warbaahin Qaran)

 

  1. 2.   Dulucda Naqdigeenan Fal-Celinta Ah:   

Markii aanu muddo badan akhriyeynay, daraasaynay ee aanu wax badan rogrognay, lana akhrinay shuruucda ay xidhiidhka leeyihiin ama uu saamaynta ku leeyahay qabyo qoraalkani, waxa aanu halkan ku soo taxnay qodobo badan oo sida ay u yaallaan aan loo aqbali Karin, qaarkoodna aan la fahmi Karin macno ahaan, halka kuwo kalena ka hor imanaayn shuruucda wadanka u yaalla oo Dastuurka qaranku ugu sarreeyo.

Dulucda Naqdigan Waxa Aanu Ku Soo Ururinay Qodobadan Hoos Ku Xusan:

Ugu Horrayn, Lifaaqan qabyo-qoraalka ahi gabi ahaanba waxa aan garawsanay in uu yahay Mashruuc sharci oo cusub ee aanu ahayn wax ka badal lagu sameeyey xeerkii saxaafadda Somaliland, Xeer No. 27/2004. Qaabka uu u qoran yahayna u muuqdo mid meelo kala duwan laga soo dheegtay, gaar ahaan dalalka saxaafaddu ku jirto cagta hoosteeda, qaab xumada uu qoraalkiisu u yaallaana muujinayso in lagu sameeyey Turjumid toos ah (Direct Translation) oo luminaysa fahamkii saxda ahaa ee macnihiisa laga qaadan lahaa.

– Intii aanay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha wakiiladu qabyo qoraalkan wax ka badalka iyo kaabista xeerka saxaafadda soo samayn wax talo iyo tusaale ah kalama ay yeelan Saxafiyiintii iyo saxaafaddii Somaliland ee lagu dhiqi lahaa, marka laga tago guddida lifaaqan soo diyaarisay oo ku doodaya in xeerkan wax ka badalkiisu ka dhashay doodo muddo soo taagnaa oo marar hore wax la isaga waydiiyay sida; Aqoon-iswaydaarsi dayrtii 2010 lagu qabtay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa  iyo aqoon-iswaydaarsi kale oo bishii Jeenaweri 2011 lagu qabtay isla magaalada Hargeysa, waxaanan ogaanay in kulamadaasi aan wax heshiis ah lagu gaadhin ee ay dood adagi ka taagnayd, in badan oo saxaafadda ka mid ahina diidanaydba in wax ka badal lagu sameeyo xeerka saxaafadda (Xeer Number 27/2004).

– Mabaa’diida guud, waajibaadka iyo xuquuqda uu bixinayo lifaaqani ma aha kuwo dani ugu jirto saxafiga iyo saxaafadda Somaliland waxaanan odhan karnaa waa lifaaq aan la jaan-qaadi Karin hannaanka wanaagsan ee loo sameeyo xeerarka saxaafadda dunida xorta ah ee dhawrta xorriyatul qawlka iyo xaqa muwaadinka. Waxa uu xeerkani ka hor imanayaa xuquuqda dastuuriga ah ee xorriyatul qawlka iyo xaqa lahaansho ee muwaadinka Somaliland (Dib ayaynu ka arki doonaa sida uu arrimahan uga hor imanayo)

– Lifaaqani waxa uu ka gaabiyey in uu koobsado arrimo badan oo aasaasiyaad u ahaan lahaa xeer saxaafadeed oo la jaan-qaadi kara dunida casriga ah ee ku dhisan xorriyadda hadalka iyo lahaanshaha saxaafad xor ah, waxa uu taa badalkeeda saxaafadda dusha ka saarayaa arrimo badan oo culays iyo ciqaab u eg oo aan marnama waafaqsanayn dastuurka Somaliland oo damaanad qaaday xaqa muwaadinta ee lahaanshaha xorriyad saxaafadeed iyo xarumo warbaahineed oo xor ah. Lifaaqan qabyo qoraalkani waxa uu ku dhawaad boqolkiiba Toddobaatan iyo in ka badan (70%) yahay mid caqabad ku ah geeddi socodkii madax bannaanida saxaafadda Somaliland ee qarankani ku soo caano maalay oo ka mid ahaa aasaasiyaadkii halka dib u xoraynta.

– Lifaaqani waxa uu yahay mid gabi ahnaaba aan odhan karno waxa loo samaystay in lagu aasaaso Gole Ballaadhan oo awood xad dhaaf ah leh “Golaha Warbaahinta Qaranka”, kaasi oo awoodo u dhigma kuwa Maxkamadaha leh (Tribunal Court) iyo waliba isaga oo isa siiyay awoodda in uu aasaaso Guddida Anshaxa Saxaafadda oo isla xubnaha Golahan ka iman doonta.

– Lifaaqan qabyo qoraalka ah oo ka kooban 45 Qodob, inta ugu badan qodobadiisan laga soo bilaabo qodobka 17aad illaa 30aad Waxa lagaga hadlayaa GOLAHA WARBAAHINTA QARANKA. Waana tallaabada muujinaysa in ujeedada xeerkan loo samaystay tahay cabudhinta saxaafadda iyo baabi’inta xarumaha Saxaafadda.

– Lifaaqan qabyo qoraalka ahi guud ahaan kama wada hadlayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta, sida; idaacadaha (Radios), Mareegaha Internetka (Webs, social media, and other online outlets). Balse wuxuu gaar u yahay telefishannada iyo warbaahinta qoraalka ah (Wargeysyo iyo majallado). Haddii  xeerka wax-ka-beddel lagu samaynayo-na, waxay ahayd in uu koobsado dhammaan qaybaha warbaahinta.

 

Aan qodob-qodob isu dul-taagno Waxyaabaha Aanu Saxaafadda Somaliland Xeerkani U Anfacayn Ee Dhibaatada Weyn Ku ah:

-Qodobka 8aad, Xarafkiisa (KH) oo u dhigan sidan;

“[Waxyaabaha Warbaahinta Ka Reebban Waxa Ka Mid Ah] in aanay saaxiibtinimada iyo xidhiidhka dal kale xumaynayn ama wax u dhimayn”

Qodobkani Waxa uu ka hor imanayaa qodobka 5aad ee isla Lifaqan qabyada ah, gaar ahaan xarafkiisa (J) oo odhanaya;    “Waa in qofku ururiyaa warar, macluumaad ama ka war-bixiyaa dhacdo kasta oo dhab ah oo dalka ka dhacda ama caalami ah, iyada oo aan wax tix gelin ah la siin nooca xidhiidhka u dhaxeeya dalka ay wax ka dhaceen iyo Jamhuuriyadda Somaliland.”

-Qodobka 11aad: Ilaalinta Suxufigu In Uu Khasab Ku Sheego Ilaha Qarsoodiga Ah:

Xarafkiisa (B), Qodobku waxa uu ka hadlayaa Ilaalinta Ilaha Qarsoodiga Ah;

Xarafkiisa B waxa uu leeyahay: “in macluumaadkaasi laga soo qaatay ishaasi aan laga heli Karin ilo kale, raadintoodana laga daalay.

Qodobka 13aad: Codsi Macluumaad; “Marka la codsanayo macluumaad ama xog, waa in aad qoraal ku codsataa, iyada oo lagu hagaajinayo qofka ama hay’adda aad xogta ka doonayso.

(Qodobkani waxa uu si rasmi ah adhaxda uga jabinayaa helidda wararka isaga oo caqabad weyn ku gudbaya in saxaafaddu hesho ama baahiso warar rasmi ah). 20 illaa 40 maalmood ayuu qofka aad xog ka dalbataa kuugu soo jawaabi karaa ama kugu diidi karaa in uu war ku siiyo. Qodobkan oo ka kooban lix qaybood waxa ay u muuqataa in aanu qaranka iyo saxaafadda toona anfacayn, laalayana hellida macluumaad sugan wakhtiga ku habboon.

Qodobka 15aad: Ka Reebanayaasha Xaqa Loo Leeyahay Isticmaalka Macluumaad: qodobkani si cad uma qeexayo waxyaabaha uu u yaqaano in ay waxyeelayaan amniga qaranka, ilaalinta qofka iyo xidhiidhka saaxiibadda dibadda.

Qodobka 16aad: Dhawrista Diwaanada Dawladda:

~ Guud ahaanba qodobkani wax xidhiidh ah lama laha xeer saxaafadeed. Lama fahmi karo sababta keentay in halkan lagu soo xardho. Fal-dambiyeedka in la burburiyo diiwaanada aan amarka loo haysan maxaa ka khuseeya saxaafadda iyo saxafiga? Miyaanay muwaadiniinta kale ula sinnayn ciqaabta ka dhalata falkaasi.

 

Qodobka 17aad: Abuuridda iyo Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka

Qodobka 17aad Illaa 30aad Waxa Uu Ka Hadlayaa Golahan Iyo Guddida Uu Dhali Doono Ee Anshaxa Saxaafadda

~ Tirada Golahani waa 11 Xubnood (2 wasiirka warfaafinta, 2 Ururada saxaafadda, 2 hantiilayaasha wargeysyada iyo TV-yada, 1 Garyaqaan oo ka iman doona SOLLA, 2 ka iman doona Golaka Wakiilada, 1 Qoraa, 1 Dhaqan-yahan oo ay soo xuleen Golaha Guurtidu). NB: U fiirso afar xubnood oo kali ah ayaa ka iman doona saxaafadda inta kale waxa ay ka iman doonaan xarumo kale?!!!! Sidaa ayay warbaahintu golahan ugu noqonaysaa kuwo laga tiro badan yahay awoodna aan ku lahayn dhexdiisa.

Qodobkaasi 17aad waxa uu ka hadlayaa: Mudada Golahan, Mushaharkooda, Meeqaamkooda Sharciyeed, xilka iyo waajibaadkooda, warbixinaha iyo shirarkooda, maalgelinta, maamulka iyo hawlahooda, diiwaan gelinta shirkadaha, samaynta guddida anshaxa, cabashada guddida ansahaxa ….etc.

NB: (Golahani waa hay’ad sida ay doonto ugu takri falaysa awoodo qayrul sharci ah oo xeerkani siinayo waxaanu meesha ka saarayaa doorkii ay saxaafaddu ku yeelan lahayd in ay iyagu samaystaan guddi anshax oo xeerkooda anshax leh, waxa kale oo uu si rasmi ah u dabrayaa hawsha saxaafaddu qaranka u hayso isaga oo awood u siinaya in ay yeeshaan awood aad u sarraysa oo u dhiganta illaa heer maxkamadeed).

-Golaha xeerkani aasaasayaa waxa lagu ururiyey awoodo ay lahaayeen hay’ado sharci oo kale sida Maxkamadaha, Xeer Ilaalinta guud, Ururada saxaafadda iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka: 20aad: Meeqaamka Sharciyeed Ee Golaha Warbaahinta:

-Farqadda 1aad ee qodobkani waxa ay si cad u sheegaysaa in Golahani wax dacweyn karo lana dacweyn karo taasi oo si aan mugdi ku jirin u muujinaysa in Golahani yahay mid lagu karbaashayo saxaafadda.

– Farqadda 2aad ee Qodobkani waxa ay ka mid tahay awoodaha sharci darrada ah ee Golahan la siiyay ee aanay ahayn in marnaba saxaafaddu aqbasho waxaanay odhanaysaa: “Goluhu waxbuu iibsan karaa, hayn karaa, maamuli karaa kana takhalusi karaa hanti, guurto ama ma guurto ah.

 

Qodobka 21aad: Xilka Iyo Waajibaadka Golaha Warbaahinta:

Waa mid ka mid ah qodobada ugu layaabka badan ee muujinaya sida aanu xeerkani u ahayn mid la jaan qaadi kara saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, lagana dheehan karo sid uu caqabadda ugu yahay.

~ Farqadda (D) ee qodobkani waxa ay golaha awood u siinaysaa in uu isagu yahay kan saxaafadda iyo saxafiyiinta aqoonsiga siinaya ama diidaya isla markaana xarumaha saxaafadda iyo saxafiyiinta diiwaan gelinaya.

~ farqadda (E) waxa ay Golaha siinaysaa awoodda ah in uu isagu yahay kan xarumaha warbaahinta siinaya ruqsadda ogolaansho ee ay dalka kaga hawl gali karaan. (Waxa Uu Sidaa Ku Qaatay Awooddii Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka iyo wasaaradda warfaafinta)

~ Xarafkiisa (F) waxa uu odhanayaa: “Golahani Waxa Uu Kormeerayaa Isla Markaana Ilaalinayaa Meheradaha Ama Ururada Warbaahinta” waxa halkan ka cad in uu si joogto ah faro gelin ugu haynayo xarumaha warbaahinta iyo ururada saxaafadda Somaliland, isaga oo wakhtiga uu doono baadhis ku samaynaya.

~ Xarafkiisa (G) waxa ku cad in Golahani yahay ka muranada ka gar naqaya, muranada dhex mara warbaahinta iyo dadka ka cawda in wax laga qoray, iyo waliba dawladda iyo saxaafadda xaqna u leh in ay iyagu go’aano ka soo saaraan cabashooyinka. (Waa awooddii maxkamadaha xaqa u lahaa in ay arrimahan hab madani ah uga gar naqaan)

NB: qodobkan waxa ay iska hor imanayaan qodobka 9aad ee isla lifaaqan oo muwaadinta warbaahin ka cabanaya xaq u siinaya in uu maxkamaddaha uga dacwoodo warbaahinta kana dalbado mag-dhaw .

~ Xarafkiisa (i) waxa uu odhanayaa: “Golahani waajibaadkiisu waa hawl kasta oo ay amar u haystaan ama xeerku ka rabo gudashadeeda” (Amarka yaa siinaya?!!! Ma xukuumadda, Ma Baarlamanka, Ma, ma ….?!!!

 

Qodobka 25aad: Maamulka Hawlaha Warbaahinta

~ Qodobkiisa 2aad waxa uu dhigayaa in aanu qofna gudan Karin shaqada suxufinimo illaa ay Golahani ogolaadaan oo ruqsad siiyaan.

Qodobka 26aad: waxa uu Golahan awood u siinayaa in uu hayo diiwaan ay ku qoran yihiin warbaahintu iyaga oo si furan dadweynaha u siinaya xogaha xarumahaasi (tani waxa ay meesha ka saaraysa gaar ahaanshihii xarumaha oo ah mulkiyado ay muwaadiniini leedahay oo aan loo baahnayn in cid kastaa sirteeda ogaato ama fatashto)

 

Qodobka 27aad ee xeerkani waxa uu aasaasayaa Guddi Anshax Saxaafadeed oo isla Golaha Warbaahinta ka iman doona. (Guddidan oo kale waxa xaq u leh in ay samaystaan ururada saxaafadda iyo xarumaha warbaahintu mana aha in cid kale u samayso, waana awoodaha sharci darrada ah ee xeerkani saxaafadda ku baabi’inayo).

Qodobka 29aad: Waxa uu si aad u layaab badan awood u siinaya Golaha Warbaahinta isaga oo xaq u siinaya in ay yihiin Golaha samaynaya Xeer Hoosaadka Anshaxa Saxaafadda (Code of Ethics) (Dhammaanba qodobadan marka aad u fiirsato waxa ay kuu muujinaysaa in ay meesha ka maqan tahay doorkii (Role) ay wax ku abuuran lahaayeen saxaafadda iyo saxafiyiintu sidaana wixii lagu dhaqi lahaa cid kale u diyaarinayso si loogu karbaasho, ama loogu curyaamiyo hawshii ay qaranka u hayeen.

~ Farqadaha E, F iyo G ee Qodobkan 29aad waxa ay aad u taabanayaan xayaysiisyada ay baahiyaan warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ahi waana kuwo u baahan in saxaafaddu ka dooddo. Arrimahaasi waxa lagu caddayn lahaa xaar hoosaad anshax saxaafadeed oo saxaafaddu samaysato iyaga oo ka soo dheegayanaya heerarka caalamiga ah (international Stander).

Qodobka 30aad: Go’aanada Guddida

~ Dhammaan Qodobkan muujinaya awoodaha Guddida Warbaahintu waa kuwo aan macquul ahayn. Waxa ay awood buuxda u leeyihiin in ay sida ay doonaan ugu takri falaan awoodaha xeerkani siinayo dhammaan qodobada uu ka kooban yahayna waxa ay  si cad u qeexayaan wixii xukun ah ee ay ridaan in aanay cidna waxba ka badali Karin sidii maxkamad Distoori ah.

Qaybta 6aad Ee Xeerkan Oo Ka Bilaabmaysa Qodobka 31aad oo dhigaya qorshaynta Heerarka/ Heerarka Baahinta (dhammaan firqadihiisu waxa ay gaar u yihiin Telefishanada waana kuwo argagax ku galinaya oo aad odhan karto waxa loo sameeyey sidii dhammaanba jilbaha loogu labi lahaa saxaafadda madaxa bannaan gaar ahaan Telefishanada oo ah qayb muhiim ah oo warbaahinta ka mid ah.

~ Innaga oo wada akhriyi doona, bal aan idiin taxo dhawr qodob oo layaab leh oo aanay marnaba ahayn in la qaataa:

–      Golahani waxa uu awood u leeyahay in uu hubiyo mawjadaha elektaroonigga ah ee loo adeegsado baahinta (Frequencies)

–      Isaga oo Golahani Wasaaradda warfaafinta la kaashanaya waxa uu awood u leeyahay in uu dejiyo qorshaynta Mawjadaha iyo qorshayntoodaba.

 

Sub One: waxa ay odhanaysaa: Goluhu isaga oo la tashanaya wasiirka warfaafinta iyo daneeyayaasha muhiimka ah ee kale waa in ay hubiyaan mawjadaha elektoromaatig ee loo adeegsanayo warbaahinta.

 

 

Qodobka 32aad: Shuruudaha Ruqsadaha Warbaahinta Gaar Ahaan TV-yada.

~ Golahan ayaa awood u leh ruqsad bixinta isaga oo baadhis ku samayn doona wakhtiga uu doono.

Qodobka 33aad Adeegsiga Ruqsadaha

NB: Arrinta layaabka leh ee qodobkan farqaddiisa 1aad dhigayaa waa in marka xarun warbaahineed ruqsad la siinayo loo tartami karo (Bid Competition) isaga oo u bixin doona ruqsadahaasi hadba sida uu isla garto (Timir Lafbaa ku jirta), waligiin miyaad maqasheen qof bakhaar furan lahaa oo lagu yidhi muwaadiniinta kale ee doonaysa in ay bakhaaro furtaan ayaad la tartamaysaa, oo la idin kala reebayaa!!!!

~ Farqaddiisa 2aad Xarafkiisa (D) waxa uu sheegayaa in ruqsadda loo adeegsan doono bixinteeda in marka hore TV-gu soo gudbiyo jadwalka barnaamijyadiisa!!!.

Xogaha la soo gudbin doono waxa ka mid ah:

Farqaddiisa 2aad xarafkiisa D waxa uu odhanayaa: “Jadwalka barnaamijka iyo haddii la adeegsanayo kaybal ama satellite xogo la xidhiidha janalada la adeegsan doono iyo waliba janalada kale ee iibka ah.

Qodobka 34aad: Qiimeynta Codsiyada Ruqsadaha

~ Farqadda 6aad ee qodobkani waxa uu gabi ahaanba ka hor imanayaa xeerka ururada siyaasadda (Xeer No. 14) waxaanu meesha ka saarayaa in aan ruqsad TV la siin Karin xisbi siyaasi ah ama hay’ad uu leeyahay qof sarkaal sare ka ah xisbi siyaasi ah waxaanu odhanayaa sidan:

“Ruqsadaha waa in aan la siin xisbi siyaasi ah ama hay’ad uu leeyahay qof sarkaal sare ka ah xisbi siyaasi ah”

Hadaba qodobkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanayaa xeerkan hoos ku xusan: Xeerka Nidaamka Axsaabta/Ururrada Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000/2011

Qodobka 8aad Xuquuqda Xisbiyadda Qaranka

Faqrada 1)

1. Xisbiyada Qaranka ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u leeyihiin:

B) Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka, waxayna yeelan karaan Warbaahin u gaar ah marka ay ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqada leh.”

Qodobka 36aad: Cusboonaysiinta Ruqsadaha:

1)   Arjiga lagu codsanayao cusboonaysiinta ruqsadaha waa in loo maro sida ku cad shuruudaha ruqsadaha iyada oo haddii aanay jirin shuruudahaasi arjiga la soo gudbiyo lix bilood ka hor int aaanu wakhtigu ka dhicin ruqsadda hore.

NB: wakhtiga ruqsaddu waa muddo saddex sanadood ah.

2)   Ruqsadle waxa uu heli karaa adeeg ruqsad warbaahineed in loo cusboonaysiiyo haddii aanu burin shuruudihii ruqsadda ama ay caddahay in dan guud ku jirto iyada oo la eegayo siyaasadda warbaahinta eek u cad xeerkan

NB: marka uu leeyahay haddi shuruudihii ruqsadda ama ay caddahay in dan guud ku jirto in aan la siin ruqsadda, macnaheedu waxa weeye ciddii doonta ayaa u diidi karta oo sabab uga dhigaya danta guud ee lifaaqani sheegayo iyada oo aanay caddayn dantaa guudi waxa ay tahay.

 

Qodobka 37aad Shuruudaha Guud Ee Liisamada

~ Farqaddiisa 3aad waxa ay dhigaysaa in xaruntii warbaahineed ee Liisan la siiyo ee degdeg hawshooda u bilaabi waaya 6 bilood uu liisanku kaga dhacayo.

Faqrdadda 2aad waxa ay odhanaysaa: u hogaansanaanta dhammaan sida ku cad arjiga codsiga marka lagu daro jadwalka barnaamijyada ayaa shuruud u ah liisanka.

NB: maadaama shuruudaha liisanka lagu bixinayo uu qodobkaasi ku daray in la soo gudbiyo liiska barnaamijyada telefishanka, taasi waa faafreeb maadaama ay guddidu karto in haddii ay barnaamijyo ay saluugi karaan ay ku jiraan jadwalka in ay xaruntaasi warbaahineed laga hor joogsan karo liisanka waana faaf reeb ka horreeya bilawga shaqada waxaanu si toos ah uga hor imanayaa qodobka lixaad ee isla lifaaqan farqaddiisa 1aad oo odhanaysa: wax faafreeb ah laguma samayn karo warbaahinta, cid xukuumadda ka tirsanina ma faafreebi karto ka hor inta aan la daabicin qoraal saxaafadeed. Sidoo kale qodobkani waxa uu noqonayaa cabudhin waxaanu ka hor imanayaa qodobka 32aad farqaddiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland oo u dhigan sidan:

3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka aasaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  lagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.  

~ Farqadda 5aad ee qodobkani waxa ay odhanaysaa: “Liisanlayasha waxa looga baahan yahay in ay sannad kasta warbixib u soo gudbiyaan Golaha waxqabadkooda, marka lagu daro u hogaansanaanta shuruudaha liisanka

NB: farqaddani waxa ay jidaynaysaa in hay’ad kasta oo warbaahineed oo liisan ka qaadata golahani ay sannad walba warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqooda u soo gudbiyaan Golahan iyaga oo sharraxaya sida ay ugu dhaqmeen shuruudihii liisanka lagu siiyay, taa macnaheedu waxa ay tahay in golahani leeyahay awood uu tallaabo kaga qaadi karo cidda shuruudahan ka soo bixi wayda.

 

Qodobka 39aad: Lahaanshaha Aan Loo Baahnayn:

  1. 1.   Qof ma yeelan karo si toos ah ama dadban in ka badan hal adeeg qaran oo TV hawada gala
  2. 2.   Qofna ma wada yeelan karo adeeg baahineed oo hawada ah iyo wargeys qaran
  3. 3.   Qof ma wada yeelan karo si toos ah ama si dadban TV qaran.

Qodobkan dhammaan Farqadihiisan saddexda ahi waa kuwo aan marnaba la aqbali Karin, sharcigana ka hor imanaya, xad gudubna ku ah xorriyadda saxaafadda iyo xaqa mulkiyadda muwaadinka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobadiisa 31aad iyo 32aad.

QODOBKA 31AAD Ee Dastuurka Qaranka Somaliland waxa uu ka hadlayaa: XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHMNEED

1. Qof Kastaa Waxa Uu Xaq U Ieeyahay In Uu Si Gaar Ah U Yeesho Hanti, Taas Oo Ay Shardi Tahay In Uu Ku Helo Waddo Xalaal Ah.

Sidoo kale qodobkani Wuxuu ka hor imanayaa qodobka 17aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human rigts – UDHR) oo la saxeexay 10 December 1948, kaas oo sida ku xusan qodobka 10aad (2) ee Dastuurka JSL ay dawladda Somaliland aqoonsatay. Qodobka 17aad ee UDHR waxa uu u dhigan yahay sidan;

1- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti ama uu cid kale la yeesho.

NB: sida ku cad faqradaha 1 iyo 2 ee isla qodobkan waxa ku jira in lifaaqani ku soo celcelinayo (TV iyo Wargeys Qaran)…. Waa Naga Su’aale Muxuu Xeerkan Qaybada Ahi U Yaqaanaa Adeeg Warbaahineed Oo Qaran? !!!!   

 

Qodobka 40aad: Shuruudaha Barnaamijyada Dalka Gudihiisa

Qodobkani waxa uu u baahan yahay tafsiir ama caddayn waxa loola jeedo isaga oo aan faham sax ah siinayn qofka akhriya (Xeerna Waxa Uu Ahaa In Uu Si Cad U Yaallo Oo Aan Mugdi Lahayn Oo Tafsiir Dambe Aan U Baahnayn)

~ Qodobka 43aad: oo ka hadlaya ciqaabo ka dhalanaya lifaaqan fulin la’aantiisa farqaddiisa 5aad oo odhanaysa: waa dambi in lagu shaqeeyo suxufinimo iyada oo aan loo haysan shahaado u fasaxaysa hawsha taasoo liddi ku ah qodobka 25aad farqadda 2aad ama in hantiiluhu shirkaddiisa warbaahineed ka diiwaan gelin waayo golaha taasoo lidi ku ah qodobka 27aad farqadda 1aad, iyada oo lagu ganaaxi karo marka dambi ku cadaado, ganaax aan ka badnayn 10-milyan oo somaliland shilin ah ama la xidho muddo aan ka badnayn laba sano bilood). Sido kale farqadda 5aad ee isla qodobkani waxa ay u dhigan tahay sidan: “waa dembi in la diido in la hir gelin waayo ciqaab ay guddidu cid ku xukuntay taasoo waafaqsan qodobka 32aad farqadda 2aad kaasoo la ciqaabi karo marka dambi ku caddaado lagana qaado ganaax aan ka badnayn 5 milyan oo somaliland shilin ah iyo haddii uu ku guul darraysto in uu bixxiyo ganaaxa in la xidho muddo aan ka badnayn lix bilood).

NB: Faqradda hore ee afraad ee qodobkani waxa uu waajibinayaa ciqaab xadhig ah oo lagu xukumayo wariyaha ama xarunta warbaahineed ee aan ruqsad ku shaqeyn, xadhigan lifaaqu sheegay waxa ku wada taalla laba sano bilood, sidaa darteed ma cadda waxa ay tiradaasi tahay. Ciqaabta uu lifaaqani sheegayna guddida ayaa ku xukumaysa wariyaha ama hay’adda warbaahineed, taa macnaheedu waxa ay tahay in awooddii garsoorka ay yeesheen ee hayd in ay wax ganaaxi karaan waxna ciqaabi karaan.

-Qodobkani waxa uu burinayaa qodobka 97aad farqadda 1aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland oo odhanaya: “waxa qaranku yeelanayaa waax garsoor oo hawshoodu tahay u garnaqa ka dhaxeeya dawladda iyo dadka, iyo dadka dhexdooda”. Sidoo kale farqadda 5aad ee qodobkani waxa uu dambiile ku sheegayaa qofka aan u hogaansamin guddidan golaheeda oo ay ku soo rogayaan ciqaab taasina waxa ay si toos ah uga hor imanaysaa qodobka 26aad ee dastuurka qaranka Somaliland faqraddiisa 3aad oo ah: “Eedaysanuhu waa dambi laawe inta aanay maxkamad horteed kaga caddaan dambi”.

Sidaa darteed maadaama qofka amarkooda diida ay ku sheegeen dambiile waxa ay sidaa ku burinayaan qodobkan dastuuriga ah.

~ Sidoo kale Qodobkani wuxuu si toos ah uga hor imanayaa qodobka 10aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human rigts – UDHR), kaas oo sida ku xusan qodobka 10aad (2) ee Dastuurka JSL ay dawladda Somaliland aqoonsatay oo u dhisan sidan;

“Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in go’aaminta xaqiisa iyo waajibaadka saaran ama xukun-dembiyeed kasta oo ka dhan ah inay si caddaalad ah oo waadix ah ay u dhegaysato maxkamad madax bannaan oo aan dhinac ahayn.”|

Qodobkani waxa uu burinayaa qodobka 89aad ee Dastuurka Qaranka farqaddiisa 1aad xarfkiisa T oo leh: “Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay in uu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabagabo:

Talooyin Ku Aaddan Saxafiyiinta Iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan (Recommendations)

ü  Xarumaha Saxaafadda iyo saxafiyiinta waxa aanu u soo jeedinaynaa in aanay gabi ahaanba xeerkan ogolaan sidaana ku diidaan (Negative Response)

ü  In xeerkii hore ee saxaafadda Somaliland ee gabi ahaanba laga guuray dib loogu noqdo waxa ka dhimana lagu daro kaasina noqdo kan lagu dhaqayo saxaafadda Somaliland.

ü  In saxaafadda Madaxa bannaani Guddi u saarto sidii Xeerkan qabyo qoraalka ah ay ugu celin lahayd ciddii inaga soo talo galisay una sheegaan in ay aragtidoodu tahay in aanu xeerkaasi anfacayn saxaafadda dalka marnabana aanay aqbalayn, sidaana bulshadooda ugu sheegi doonaan.

ü  In aan arrinta xeerkan qabyo qoraalka ah la wadaagno lana socodsiino daneeyayaasha (Stakeholders) saxaafadda, Ururada Bulshada, Kuwa Xuquuqal Insaanka iyo Beesha Caalamka (International Community)

ü  In Fadhigan sharafta leh ee Masuuliyiinta xarumaha saxaafadda iyo saxafiyiintuba ku sugan yihiin go’aan rasmi ah ka soo saaraan lifaaqan aynu halkan ku naqdinay

ü  In Go’aanka aynu qaadan doono qoraal lagu diyaariyo laguna lifaaqo naqdigan iyaga oo labada luuqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriisida ku baxa loona kala diro daneeyayaasha saxaafadda

 

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

 

 

 

 

 

 

Bayaan ka soo baxay warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland

 

“Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland kulan ay isugu yimaaddeen maanta oo ay taariikhdu tahay 28/10/2013, waxay dood dheer kaga yeesheen xeer qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay inay ku shaqayso warbaahinta Somaliland, kaas oo ay wadaan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha wakiillada, lana qorshaynayo in golaha wakiillada la horgeeyo, iyadoo ay dabada ka riixayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Kulankaas waxa lagu naaqishay caqabadaha sharci ee uu leeyahay xeerkan qabyo-qoraalka ahi.

Xeerkani waxa uu ka kooban yahay toddoba qaybkood oo sii qaybsama  45 qodob oo badankoodu dabar iyo caqabad ku yihiin xuquuqda muwaadinka, madax bannaanida iyo xil-gudashada saxaafadda. Xeerkan qabyada ahi waxa uu meesha ka saarayaa jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanayd (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada lahaa (Public Media), waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin dawladeed (State Media).

Markii ay warbaahinta Somaliland oo kaashanaya sharciyaqaanno ay muddo dersayeen xeerkan, waxa u soo baxday in uu xeerkani xambaarsan yahay qoddobo iyo mabaadii’ ka horimanaya tiirarka dimuqraaddiyadda iyo jiritaanka xorriyatul-qawlka. Arrimaha sidoo kale uu xeerkani salka ku hayo ee warbaahinta u soo baxay waxay yihiin;

1- In uu ka soo horjeedo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In uu liddi ku yahay xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah ee Xeer No. 27/2004.

3-In uu meesha ka saarayo xaqa asxaabta siyaasaddu u leeyihiin inay yeeshaan warbaahin u gaar ah, sida ku xusan xeerka ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka ee (Xeer No. 14/2011) oo dammaanad qaadaya in axsaabta siyaasaddu yeelan karaan warbaahin.

4- In xeerkani uu ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo uu aqoonsan yahay fulintiisa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

5- In uu dedafaynayo xaqa muwaadinku u leeyahay in uu hanti gaar ah yeesho, sida ku cad dastuurka JSL.

6- In uu aasaasayo hay’ad xukuumi ah oo laalaysa madax bannaanidii warbaahinta, isla markaana hoos geynaysa xukuumadda.

7- In uu jidaynayo in warbaahinta lagu samayn karo faafreeb rasmi ah, isla markaana markii la doono lagala noqon karo ruqsadaha shaqada.

8- In uu xeerkani awooddii garsoorka ku wareejinayo cid gaar ah, taasina ay sahlayso inay ugu takri-falaan awooddaas siday doonaan.

9- In xeerkani bannaynayo in dhammaan warbaahintu ay warbixin sanadeed la xidhiidha hawl-maalmeedkooda shaqo ay horgeeyaan golaha wakiillada, taas oo macnaheedu yahay in warbaahinta laga dhigayo hay’ad dawli ah.

10- In uu xeerkani curyaamin ku samaynayo dhaqaalaha hay’adaha warbaahineed ee dalka.

Ka dib markay warbaahintu aragtay qoddobadaa kor ku xusan iyo in xeerkan laga soo minguuriyay xeer-saxaafadeed loo sameeyay dal shisheeye oo saxaafaddu ku jirto cagta hoosteeda, waxaanu go’aansannay;

-In saxaafadda madaxa bannaan oo isku duubani ay ka soo horjeeddo xeerkan guud ahaantii oo 95% ah dabar iyo cuna-qabatayn warbaahinta madaxa bannaan lagu hoos-geynayo xukuumadda.

-Waxaanu golaha baarlamaanka  Somaliland ugu baaqaynaa inay joojiyaan isku-dayada lagu doonayo in lagu cabudhiyo saxaafadda ee ka hor imanaya sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ahba.

-Waxaanu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in aanu hormood ka noqon cabudhinta saxaafadda; ‘Madaxweyne ma waxaad ogoshahay in wasiiradaadu hormood ka noqdaan dhaqan-gelinta xeer laga soo dheegtay dal uu kali-taliye hoggaamiyo oo aanay dimuqraadiyadi ka hirgelin. Mudane madaxweyne, warbaahintii aad shalay u doodaysay, maanta adigu ha sadqayn.’

-Xisbiyada siyaasadeed ee qaranka waxaanu la socodsiinaynaa in sidoo kale uu xeerkani meesha ka saarayo xuquuqo distoori ah oo ay leeyihiin.

-Waxaannu umadda Somaliland, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha xorriyatul-qawlka & dimuqraadiyadda u sheegaynaa in lagu soo duulay madax-bannaanidii saxaafadda Somaliland.

 

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland.”

COMMENTS
LINKS