|
|||||
WAJAALE NEWS
Ey iyo Fardo loo Tabarayo Ammaanka Muqdisho Markii Boolisku Shaqadooda ku Guul-darraystay iyo Wasiirka Daakhiliga Soomaaliya oo dhaliilo culus u jeediyey ciidammada booliska iyo laamaha ammaanka Muqdisho
October 7, 2013 - Written by Wariye:Muqdisho (Wajaale News)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa dhaliil culus u jeediyey ciidammada booliska iyo laamaha ammaanka dawladdiisa, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay waxba ka qaban waayeen ammaan-darro baahsan oo ka jirta caasimadda Muqdisho. Mr. Guuleed oo ka hadlayey kulan uu la qaatay saraakiisha ciidammada nabad-sugidda iyo kuwa booliska dawladda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ka gaabiyeen waajibaadkii loo xilsaaray. ?Waxyaabaha lagu dhaliilo booliska waxa ka mid ah qofka shacabka ah marka uu dhibaato dareemo boolis ama askari meel uu joogo ayey maciin bidi jireen, laakiin taas beddelkeeda waxaa timi in shacabkii uu ka cararo booliska, taasna waxaa keenay dhaqan-xumada qaar ka mid ah askartu kula kacaan shacabka,? ayuu yidhi Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed. Dhinaca kale, Taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliya Jen. Cabdikariin Daahir Saciid (Saacid) oo hadal ka jeediyey kulankaas, ayaa sheegay inay diyaariyeen raxan ey ah oo ciidammada booliska kala qeybqaata sugidda ammaanka Muqdisho, isagoo xusay inay wadaan dedaallo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa ammaanka magaalada. ?Waxaan diyaarinay hadda 20 ey oo loogu talogalay inay ciidammada booliska kala shaqeeyaan sugidda ammaanka caasimadda, waxayna qabaan tababarro, waxaannu dhowaanna soo kordhin doonnaa 20 faras oo ciidammadu adeegsan doonaan,? ayuu yidhi taliye Saacid. Waxa kaloo uu sheegay in eydu la siiyey tababar la xidhiidha sidii ay ciidammada uga caawin lahaayeen hawlo muhiim ah oo ku saabsan baadhitaanka gaadiidka iyo meelaha looga shakisan yahay inay ku jiraan waxyabaaha qarxa, isagoo tilmaamay inay ciidanka booliska siin doonaan tababaro la xidhiidha qaabka eyda loo adeegsado marka lagu jiro hawlgallada ammaanka lagu sugayo. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|