Dowlada Hoose Burco Oo Tahli Kari-Wayday inay Qashinka ka Ururiso Wadooyinka Sharaca ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowlada Hoose Burco Oo Tahli Kari-Wayday inay Qashinka ka Ururiso Wadooyinka Sharaca ah
October 4, 2013 - Written by Wariye:

dawlada hoose ee burcoBurco (Wajaale News) Dowlada Hoose Degmada Burco ayaa Tan iyo Wakhtigii ay la Waregeen Maamulka Dowlada Hoose Waxa isoo Taraya Walaac Xoogan Oo ay Bulshada Degmada Burco ka Mujinayaan Habka Maamul Ee ay Xildhibanada Cusubi u Hagayaan Maamulkaasi Dowlada Hoose.

Dowlada Hoose Burco Oo ah Xarunta Ugu Wayn Ee ay ka soo Baxaan ilaha Dhaqaale Ee Gobalka Togdheer Waa Mid Wakhtigani ay ka Muuqdan Dayac Badani Oo ah Dhinaca Horumarka Looga Bartay Waayihii Hore.

Xildhibanada Golaha Degaanku Waa Kuwo Wakhtigani Fadhiyay Kuraastaasi muddo Sanad iyo Badh ah isla markaasna waxay Shacabka Gobalka Togdheer ay sugayeen waxqabad muuqda balse Waxqabadkaasi Laga Filayay Wuxuu Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay isla markaasna
Lagu Hungoobay Dorashadodii.

Akhristayaal aynu inyar ka soo Qaadano Wakhtigii Ololaha Dorashada Waxyabihii ay Shacabka ku Beer-Laxowsan Jireen Xildhibanadu isla markaasna ay ku Ololaha ku Gali-jireen hadii ay soo baxaan inay Qaban-donaan

” Walalayaal Waxaanu Dhisi-Doono Wadooyinka Magalada.Waxaanu Qashinka ka Guri-Doona Wadooyinkeena Oo Aad aragtaan Sida Uu Qashinku Ugu Buuxo.Walalayaal Burco Maanta Waxay u Baahan Tahay Gurmad Degdeg ah iyo isbedel Lagu Sameyo Golaha Degaanka Ee Fadhiidka ah.Bulshada Reer Burco Waxaanu Dhamaantod u Abuuri Donaa Shaqooyin.Dowlada Hoose isbedel Muuqda ayaanu ku Samayn-Donaa Qaybaheeda Kale Duwan” Sidaas Waxa Maalin Kasta Khayriyada Burco Kaga Ololayn Jiray Mid Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka.

Balanqadyaadasi ay Ololaha ku Galeen Xildhibanada Golaha Degaanku Waa kuwo ay Wali Shacabka Gobalkaasi Sugayaan.

Magalada burco Oo ah Magaalo Leh Tariikh Facwayn Waxaana Wakhtigani Wadooyinka Halbowlaha u ah Magalada iyo Waliba Afaafka Hore Ee Laga Galo Xarunta Shacabka Buuxdhafiyay Qashin Aad u Tiro Badan.isla Markaasna Wakhtiyada Uu Roobku Da-ayo Sababa Xanuuno Kale Duwan.

Dowlada Hoose Burco Maaha Mid Wakhtigani Tahli Kari Wayday inay Gurto Qashinkaasi Buuxdhafiyay Gudaha Magalada Waxaana ay Dowlada Hoose Tahay mid Haysata Dhamaanba Qalabkii Kale Duwanaa Ee Loogu Talo-Galay Gurista Qashinka.

Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad iyo Laba Xildhibaan ka Mid ah Golaha Degaanka ayaa iyagu wakhtigani Safar Tamash layn ah ku Jooga Magalada Addis-Ababa isla Markaasna Waxay Wararku Shegayaan inay usii Socdaali-Donaan Magalada London Ee Wadanka Britian halkaasi Oo la Shegay in Xubno ka Mid ah Jaliyada S/land Ee Degan Wadankaasi ay Maayirka iyo Labada Xildhibanba Soo Mar-Marin Donaan Gudaha Magalada London.

ila wareedyo u Dhuun-Daloola Dowlada Hoose Degmada Burco ayaa Shabakada Calamiga ah Ee Hadhwanaagnews u Xaqijiyay in Gabi-ahaanba Accoun-kii ay Dowlada Hoose ku Lahayd Baanka Burco Uu Musalafay.

Maqnaanshaha Maayirka Burco ayaa Waxa Gabi ahaanba istaagay Howlihii Shaqo Ee ka Socday Dowlada Hoose Halka Maayir ku Xigeenka Degmadu Sharcigu Siinayo inuu Qabto Howlihii Uu Qaban-Jiray Maayirku Balse Maayirka Ku Xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan (Xoday) ayaa isagu ah Masuul Aan ka Subixii ka soo Xadirin Xafiiskisa isla Markaasna Suuqa Dhexdiisa ku Tamashlaynaaya.

Si Kastaba ha ahatee Marxalada ay Dowlada Hoose Degmada Burco Wakhtigani ay Sugan Tahay ayaa ah Mid Aanay Waligood Soo Wajihin Duruufaha ku Gadaman Wakhtigani.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS