WAJAALE NEWS
Dhacdo Layaab Badan Aabo Indho Beelay Oo Il Looga Sameeyay Ilkihiisa Midkood Markii Ugu Horaysayna Ku Arkay Carruurtiisa Daawo Sawiro
October 4, 2013 - Written by Wariye:
London, (Wajaale News):- Aabe indhihiisa ku waayay dhibaato ka soo gaadhay hawl maalmeedkiisa ayaa, markii ugu horaysay muddo lix iyo toban sanadood ah, dib u helay qayb wayn oo ka mid ah nuurka ama aragtida indhihiisa, taas oo ku timi hab iyada lafteedu mucjiso ku noqotay dadka badankooda oo ah, in guluub ahaan looga dhigay mid ka mid ah ilkihiisa.
Tibbetts, oo 43-jir ah, waxa uu ishiisa midig beelay 16-sanadood ka hor, wakhtigaas oo bir shiilantay kaga dhacday qaybta, Bu?da iyo xaydha sababtayna in dhaawac badani soo gaadho, qaliino kala duwan oo lagu sameeyayna lagu guul daraysto oo sidaa ishaasi ku dhimatay.
Sanad ka dib haddana waxa uu beelay ishii kale, waxaanay taasi sababtay in labadiisa mataanood ee Callum iyo Ryan oo afar jiro ah aanay u suura galin inuu wajiyadooda arko, laakiin waxa ay xaaladaasi dhamaatay, ka dib markii kooxo dhakhaatiir ahi u beereen il, taas oo ay gulub aragtida la shaqaynaya ugu dhex beereen mid ka mid ah, ilkihiisa ka dibna inta ay xuub sida xaydha isha ah galiyeen, dib ugu beereen halkii xaydha hore ee ishu ka dhamaaday, taas oo si fiican loogu guulaystay.
Nidaamkan loo sameeyay ninkan oo loogu magac daray, (Osteo-Odonto-Keratoprosthesis (OOKP), waa mid la isticmaalay xubin jidhkiisa ka mid ah, laguna daray aalado kale oo suura gal uga dhigaya araga, taas oo dhakhaatiirtu tilmaameen in iliga oo ah xubin jidhkiisa ka mid ah aanu xasaasiyad ka qaadayn jidhkiisu, waxaanu sidaa ku helay boqolkiiba 40% ka mid ah aragiisa.
Habkan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in aanu dhamaan dadka oo dhan u wada suura galayn, laakiin bukaanada qaar uu ku haboon yahay, waxaanu ninkan oo aad u faraxsani sheegay in uu carruurtiisa sii hayn karo inta xaaskiisu dibada ku maqan tahay, sidoo kale xaaskiisa ayaa muujisay farxada iyo sida habkan cusub loogu guulaystay.
Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Related
COMMENTS
|