Degaanta Laanta Morohda Ee Degmada Saylac Oo Looga Qaxay Biyo La’aan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Degaanta Laanta Morohda Ee Degmada Saylac Oo Looga Qaxay Biyo La’aan
October 28, 2013 - Written by editor
Biyo la’aantan ayaa waxa ay degaankaasi soo food saartay kadib markii uu mudo dhawr bilood laga joogo uu shaqo gab noqday ceelkii biyaha ee dagaankaasi…….
Boorame(Wajaale-news)-Xaalada nololeed ee degaanka Laanta Morohda ee degmada Saylac ayaa si wayn looga dareemayaa, kadib markii dad iyo duunyaba degaankaasi ay ka hayaameen sababtuna ay tahay duruufo biyo la’aan ah oo aad u ba’ani taabatay halaasi, isla markaana uu dagaanku waayay cid u ehel ah oo uga soo gurmata xaaladaasi naf baxa ah ee ay dadkii, xoolahii iyo duunyadii kale ee ku noolayd degaankaasi ku sababtay inay ka qaxaan halkaasi

Biyo la’aantan ayaa waxa ay degaankaasi soo food saartay kadib markii uu mudo dhawr bilood laga joogo uu shaqo gab noqday ceelkii biyaha ee dagaankaasi, isla markaana qaylo dhaan badan oo ka soo yeedhay dadka ku nool Tuuladaasi ay noqotay mid aanan midho dhalin, lana arag cid jawaab ka soo bixisay.

Suxufiyiin madax banaan oo degaankaasi maray ayaa ka dayriyay xaalku sida uu yahay waxana uu Wariye Maxamed Bilibili oo xaaladan ka waramaya uu yidhi “Hadii uu deegankan Laanta Morohdu ahaan jiray tuulo camiran oo dad iyo duunyoba laga helo, maanta taasi way sii baaba’aysaa, waxa aan degaanka kula kulamay 4 wiil oo yaryar oo haraad uu ka muuqdo oo naga codsaday inaan sii qaadno, waxa aan waydiiyay waxa magaalada cidleeyay, waxana ay I yidhaaheen “Biyo La’aan”

Si kastaba ha ahaatee waxa dhicisoobay hawlgalo ay degamda Saylac isku dayday inay Booyado ugu dhaamiso degaankaasi, dhawr todobaad gudahood ayuuna ku istaagay hawl galkaasi, waxa kale oo meesha aan ka maqnayn in ay nasiib daro tahay in xukuumadu dayacdo dad aad u badan oo dalabka ka soo yeedhayay uu ahaa in ay helaan adeeg aasaasi u ah nolosha oo ah biyo, waxana maanta taasi ka dhashay in degaanka Laanta Morohda ee degmada Saylac ee gobolka Awdal uu noqdo meel laga hayaamay oo ay dad iyo duunyaba uga qaxeen biyo la’aan.

WAJAALE NEWS DESK
BORAMA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS