|
|||||
WAJAALE NEWS
Degaanka Cali Xaydh Oo Si Wayn Looga Dayriyay Burbur Ku Habsaday Kaabayaashii Nolosha Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa
October 12, 2013 - Written by Wariye:Borama(Wajaale News)Gudoomiyaha degmada Baki ayaa booqasho ku tagay degaanka Cali Xaydh ee degmadaasi ayaa ka dayriyay xaalada nolosha iyo dhinaca amniga ee degaankaasi, kuwaasi oo uuku tilmaamay inay yihiin kuwo burbursan ama aanan jirin, loona baahan yahay in wax laga qabto si dawladnimada, kala dambaynta iyo amniguba uga suuro galo degaankaasi. Gudoomiyuhu waxa uu kulan la yeeshay gudida hogaanka u haysa maamulka degaankaasi iyo madaxda ciidamada amniga, kuwaas oo uu ka dhagaysatay warbixino ku aadan baahiyaha ka jira degaankaasi Cali-xaydh. Axmed Carab Dugsiiye oo ah madaxa magaalada Cali-Xaydh ayaa halkaasi ka hadlay waxana uu yidhi ?Cali-xaydh wali waxa ka sii muuqda burburkii dagaaladii sokeeye, inkasta oo ay dadku ka soo kabanayaan hadana waxa jira baahiyo badan oo ay ka mid yihiin Xarun caafimaad la?aan, roobabkii u dambeeyay waxa ay naga qooyeen dawadii, waxana ay taasi sii kordhisay baahidii dhinaca caafimaadka ahayd, dhinaca waxbarashada waxa ka taagan dhibaato dhinaca macalimiin la?aan ah, oo waxa kala badan baahida waxbarasho iyo caruurta u baahan in wax labaro, waxa kale oo dheer intan in degaankan ay dad badan ku soo barakeceen, culays hor lehna ay saareen dadkii degaanka ee markii horaba fuqarada u badnaa, waxana ay u baahan yihiin in lala soo gaadho gurmad balaadhan, waxa kale oo aan ka dayrinayaa xaalada suuqa Calixaydh oo ah mid bacad yaal ah, waxana wax badan dhib ku haya roobabka da?a, hadii cuntadii la iibinayay ay noqotay mid dayacana waxa cabdi wayn nagu haysa inay ka dhashaan caafimaad daro iyo cuduro faafa. Xaalka guud ee Cali-xaydh waa mid aan ka dayrinayo kaabayaasha arimha bulshada, waxana aan ku baaqaynaa in mar kale wax laga qabto? Gudoomiyaha degmada Baki Maxamed Axmed Caateeye oo la hadalay gudida degmada Cali-xaydh ayaa waxa uu yidhi ?Cali xaydh baahideeda wax badan ayaan ka ognahay, waxana loo baahan yahay in ay dadkeedu ka hadlayaan oo ay ogyihiin baahida haysa, sidaas aawadeed waxa loo baahan yahay in la helo gudi shaqaynaysa oo u gurmad ah degaankan Cali-xaydh, waxa loo baahan yahay in dadkeedu ay wax qabadka bilaabaan si loogu soo gurmado oo wax loola qabto, waxa aan jecelnahay inaan sida ugu dhaqso badan arinta sariibada uga dareen celino oo aan GIRGID ha noqotee u sii taagno meel dan guud ah oo suuq noqota, waxa kale oo aan sheegaynaa in dugsiga sare ee degaankan ugu dhaw uu u jiro masaafo dheer, isla markaana aanay gaadhi karin ardayda ka soo baxda dugsiga dhexe, waxana loo baahan yahay inaan isku tashano aan xukuumadana ku war galino in loo baahan yahay in dugsi sare halkan laga furo sanadka soo socda, dadka degaankana waxa laga rabaa inay dhulkii danta guud ahaa bixiyaan? Ugu dambeyntii, Gudoomiyuhu ka dayriyay dhinaca adeegyada biyaha iyo amniga, kuwaas oo uu tilmaamay in xaalka ay ku sugan yihiin uu yahay mid halis ah, waxana uu mar kale xukuumada iyo hayadaha ugu baaqay inay wax ka qabtaan, sidoo kalena waxa uu dadka degaanka u sheegay in looga baahan yahay inay la yimaadaan isku duubni iyaga oo danta guud mudnaanta ka siinaya danta gaar ka ah, sidoo kalena diyaarsadaan dhulkii laga dhisi lahaa kaabayaasha dhinaca nolosha ah ee ay dadka degaanku baahida xoogan u qabaan. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|